Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Dowladda taagta daran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wax yar ka hor  Shirjaraa’id oo uu  ku qabtay Xaruunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kaga dhawaaqay  Magacaabista Raysal Wasaaraha  Cusub, 

 kaas oo Lagu Magacaabo Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaarjo), iyadoo uu goob joog ka ahaa masuulka xilkaa loo magcaabay Raysal Wasaaraha Cusub, kaas oo  goobta  ka hadlay,  isagoo sheegay inuu soo dhisi doono maalmaha soo socda Xukuumad kooban oo wax qabata.
Ninka loo magcaabay Raysal Wasaaraha Cusub ee Somalia ayaa ahaa mid aan mar keliya magaciisa laga maqal dadkii loo hadal hayay in loo magcaabo,  islamarkaana aan ku jirin Saadasha qofka uu Madaxweyne Sheekh Shariif u Magacaabi doono Raysal Wasaaraha Cusub. Masuulka xilkaa raysal wasaaraha  loo magcaabay  ayaa kasoo  shaqeeyay Safaarada Soomaalida ee Magaaladda Washington ee Cariga Mareykanka.
sidoo kale  Raysal Wasaaraha Cusub ayaa mudo kusoo jiray Saaxada Siyaasada Soomaalida isagoo Xilal kala duwan kasoo qabtay Siyaasada Arimaha Dibada Ee Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay safaaradda Soomaalida ee Washington sannadihii siddeetamaadkii oo xiligaa uu ka  ahaa diplomaasi. Ka dibna burburkii Soomaaliya, wuxuu ka shaqeeyay hawlo kala duwan,  isla Mareykanka oo ay ugu dambeysay Waaxda Gaadiidka ee gobolka New York sida ay u sheegeen shebekada araweelonews  dad aqoon u lahi. Inkasta oo Masuulkan Mr. Farmaajo la garanayn heerka ay gaadhsiisan tahay Aqoontiisa iyo waxbarashadiisa meelaha uu kusoo qaatay. Hase yeeshee waxay dadk aqoonta u lihi  sheegeen  shebekada Araweelonews inuu  kasoo jeedo Deegaanka Caabudwaaq Maxamed C/laahi  uu  yahay qiyaastii 48 jir, isla markaana uu  muddo ka badan 20 sano ku noolaa dalka Maraykanka, isagoo  ka baxay Jaamacadda Buffalo ee dalka Mareykanka sannadkii 1993, taas oo uu ka qaatay shahaaddada koowaad. Isla Jaamacaddaa ayay sheegayaan dadka aqoonta u lihi inuu ka qaatay shahhaaddada labaad (MA) sannadkii 1999.
Raysal Wasaaraha cusub ayaa  la filayaa sida uu goobtaa ka sheegay  inuu  soo dhiso Maalmaha soo socda Xukuumad Kooban, taas oo uu balan qaaday inay noqon doonto mid taylo leh.

sidaad u aragtaa raysal wasaaraha cusub, mushkilada Somalia xal ma u noqonaysaa magcaabista raysal wasaare cusub,   fadlan ka qayb qaado mawduuca dooda oo rayigaaga ka dhiibo. ku qor halka hoose. kadibna soo dir, waanu tixgelinaynaa rayigaaga.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *