Hargeysa(ANN)Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi Ayaa sheegay inay wax weyn ka bedelayaan hawlaha madaarka Cigaal International ee magaalada Hargeysa iyo madaarada kale ee dalka, isagoo xusay in shaqaalaha Madaarada

 la siin doono direys u gaara oo lagu garto qofka shaqaalaha ka ah madaarka.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay adkaynta dhinaca amaanka iyo hubinta dadka kasoo degaya iyo kuwa ka dhoofaya madaarka caalamiga ah ee Hargeysa iyo madaarada kaleba.
Wasiirku wuxuu sidaa ku sheegay hadal uu maanta u jeediyay shaqaalaha madaarka Hargeysa oo sameeyay hawlgal olole nadaafadeed oo  dib loogu hagaajinayo nadaafada madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.
 
Sidoo kale Wasiirku  oo ka hadlay hawlaha lagu nadiifinayay Madaarka ayaa sheegay inay ku dedaali doonaan sidii bilicda madaarka magaalada Hargeysa sare ugu qaadi lahaayeen.
 
Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in   horumarka  iyo bilicda uu ku talaabsado qaran laga dheehan karo madaarka, sidaa  darteed waxa uu ku dooday in muddo kooban ka dib ay sida ugu dhakhsaha badan sare ugu qaadi doonaan dhamaanba baahiyaha aasaasiga ah ee uu u baahan yahay madaarku.
 
Waxa kale oo uu wasiirka duulista hawada Somaliland tilmaamay in dhamaanba shaqaalaha madaarka Hargeysa la siin doono dirays isku mid ah, si looga badbaado is dhex yaaca shaqaalaha iyo kuwo aan shaqaalaha ahayn. Sidoo kale waxa uu sheegay in wax weyn laga bedeli doono hawlaha amaanka, isagoo yidhi, “Amaanka iyo bilacda madaarku waa lama huraan, waa inay dadka dhoofaya iyo kuwa soo degayaa ogaadaan in dhamaanteen amaanka iyo ilaalinta nabadgelyadu dan inoo tahay. Sidaa awgeed waa inaanay dadku dhib u arkin xiliga baadhista iyo hubinta oo ay muujiyaan dulqaad.”   

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *