Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday ganacsatada soo dejisa Raashinka iyo shidaalka inay shir deg deg ah isugu yimaadaan si xal loogu helo mushkilada sixir bararka ee maceeshada kor u kacday iyo shidaalka, taas  oo saamayn ku yeelatay  nolosha Bulshada Somaliland,

gaar ahaan dadka danyarta ah oo qaarkood awoodi waayeen maalmihii u danbeeyay inay nolol maamleedkoodii xaliyaan. kadib markii uu qiimaha sarifka doolarku si weyn hoos ugu ciiray suuqyada magaalooyinka Somaliland, isla markaana qiimaha maceeshadu si weyn kor ugu kacay.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka codsaday dhamaanba ganacsatada Somaliland inay sameeyaan wax kasta oo ay ugu daneynayaan nolosha bulshada dan yarta ah, si looga baxo xaalada  sixir bararka hadheeyay maceeshada. 
Wasiirka Ganacsiga Mr. C/risaaq  ayaa sidaa ku sheegay  warsaxafadeed kooban oo  uu caawa soo saaray, kaas oo uu kaga hadlay qorshe ay xukuumadu ku doonayso in xal loogu helo mushkiladaa.
Wuxuuna qoraalkiisa ku yidhi, “Wasaaraddu iyada oo tixgelinaysa oo tixraacaysa Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 14aad, faqradiisa 3aad  oo ay reeban tahay ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u geysanaya bulshada. Sidaa darteedna loo baahan yahay in arrimahaa  la joojiyo”
 Sidoo kale Wasiirka ganacsiga ayaa  qoraalkiisa kaga codsaday rugta ganacsiga Somaliland  inay si deg deg ah isugu yeedho dhamaanba ganacsatada soo dejisa Raashinka quutal-daruuriga ah iyo shidaalka,  si looga wada hadlo sababta keentay inay kor u kacdo maceeshadu,  isla markaana xal looga  gaadho sidii hoos loogu dhigi lahaa arrintaa  sixir bararka ee loo xakamayn lahaa.
 Hadalkan wasiirka Ganacsiga ayaa ku soo beegmay, kadib markii masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka dhexe ee Somaliland maanta si wada jir ah uga hadleen arrimaha hoos u dhaca lacagta dollarka, korodhka badeecada iyo maceeshada kor u socotay, iyagoo si wada jir ah ugu  sheegay kulan saxaafadeed ay maanta ku qabteen xarunta Baanka dhexe ee Somaliland inay durba talaabooyin qaadeen oo suuqa sarifka lacagaha qalaad wax iska bedeleen, balse ku tilmaamay korodhka maceeshada mid aan loo baahnayn oo ganacsatadu ka danbeeyaan, isla maraakana waxay ishaareen inay xukuumaddu si dhaqso ah talaabooyin kale u qaadi doonto oo ay kaantarooli doonto suuqa ganacsiga iyo sarifka dollarka.
   Maalmihi u danbeeyey waxa si weyn looga dareemay suuqyada Ganacsi ee Somaliland qiimaha sarifka lacagta qalaad ee Dollarka oo sii hoobanaya, isla markaana maceeshada ayaa si weyn kor loogu kociyay, iyadoo qiimaha daruuriga la kordhiyay, taas oo abuurtay sixir barar iyo sawaxan si weyn nolosha dadka u saamyeeyay, gaar ahaan dadka danyarta ah.
Talaabooyinka xukuumadu qaaday saacadihii u danbeeyay ayaa durba qiimaha sarifka dollarka wax ka bedelay maanta gelinkii danbe, waxaana la filayaa in haddii xukuumaddu qaado qorshayaasha hordhaca  ah ee ay iclaamiyeen inay xaalada wax iska bedelaan, balse haddii aan maalmaha soo socda wax is bedelin waxa suurta gal ah inay nolosha bulhsadu sii adkaato, taas oo dhibaatooyin horseedi karta

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *