Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan wixii dhaliila ah mudadii yarayd ee ay xukuumadiisu xilka haysay loo jeediyay oo aanay dhibsanayn, isla markaana

 iyadoo ay jireen caqabado ka horyimi xiligii maamulkii hore ay kala wareegeen xilka ay hadana wax badan qabteen.
  Madaxweynuhu wuxuu sidaa ku sheegay qudbad uu maalintii shalay ka jeediyay furitaanka shirkii shanaad ee Akademiga Nabada iyo Horumarinta Somaliland  yeelato oo lagu qabtay   huteelka Ambassodor ee magaalada Hargeysa

Shirkaa oo ujeedadiisu  ahayd  soo bandhigida cilmi baadhis  Akaademigu ka samaysay oo ku saabsan saddex qodob oo ka mid ah aasaaska dawladnimada iyo nabada Somaliland. sida    dib-u-heshiisiinta, dimuqraadiyadda iyo maamul-daadejinta, kuwaas oo dadweynaha ku kala dhaqan lixda gobol ee dalka la waydiiyey heerarka ay ka gaadhay Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shirkaasi isagu furay, ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey, waxa uu ugu horreyn si weyn ugu mahadnaqay Hay’adda Akaademiyaddu doorkii ay ka soo qaadatay dib-u-heshiisiinta iyo horumarka dalka, “Waxaan Akedamiga ugu hambalyeynayaa xafladdan, waynu ognahay Akademiyaddu doorka ay ka soo qaadatay dhismaha somaliland, haddii ay tahay dhinaca nabadaynta iyo hawlihii iyo shaqooyinkii ay ka soo qabatay dalka, waynu ognahay doorka Akademiyaddu ka soo qaadatay dhismaha iyo horumarinta dimuqraadiyadda iyo talooyinkii badnaa ee ay soo jeedisay.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shacabka Somaliland mudan yihiin inay isku hambalyeeyaan horumarka iyo heerka waqtigan uu gaadhay dalkoodu, taasi oo aanay ka jirin in badan oo dalalka mandaqada ah.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo mar uu ka hadlayey maamulkiisa, waxa uu sheegay in muddadii dawladiisu xilka haysay oo ah mid yar ay ka horyimaadeen caqabado badani, balse ay jiraan waxyaabo badan oo u qabsoomay.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Muddadii aannu xilka haynay oo ah mid yar waxa na horyimi caqabado iyo hawlo badan oo loo baahnaa in aannu qabano, xil la wareeg wax hawlyar maaha, maamul isbeddelayaa wax fudud maaha, haddana waxaannu is leenahay muddadaas waxyaabo badan ayaa qabateen oo maamulkii wax badan baad ka beddesheen, arrimo badana waad hirgeliseen, qaybtiisii badnaydna way noo hadhay oo mid qarsoon maaha.

Muddadaas haddii wax dhaliilo ahi yimaadeen waa naloogu adkaysan doonaa, waa naloo tilmaami doonaa walaalahayaga axsaabta kale iyo shacabkuba way noo sheegaan, taasi mid aannu dhibsano maaha ee waa mid aannu weliba abaal ugu hayno oo uga mahadcelinayno.”

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay arrimaha nabadgelyo-darrada ah ee ka jira gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan falalka argagixiso oo uu sheegay in qaranka Somaliland dawlad iyo shacaba meel uga soo wada jeedo, isagoo dadweynahana ku baraarujiyey inay isku duubni meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo ammaankooda khalkhalinaysa.

“Sidii caadada inoo ahayd dadka doonaya inay khalkhalin geliyaan xasilloonida iyo deganaanshaha dalkeena waxaynu shacbi ahaan iyo dad ahaanba ku fiicnayn, haddii aynu nahay axsaab, madaxdhaqameed, culimaa’udiin iyo cid kastaba meel baynu iska wada taagi jirnay, maantana waxaan hubaa in aynu halkii ka taaganahay oo haddii xagal-daac inagu yimaado ay noqonayso mid ayaan-darro ah oo aynu u baahanahay in aynu gacmaha isku qabsano oo meel uga soo wada jeedsano.” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Agaasimaha hay’adda Akaadamiga iyo Horumarinta Mr. Maxamed Siciid Gees oo ugu horreyn ka hadlay furitaankii shirkaasi, ayaa isagoo faahfaahinayey cilmi-baadhista ay sameeyeen, waxa uu yidhi; “Akaademiyaddu waxay socdaal ugu kala bixisay lixda gobol ee waddanka, iyadoo dadweynaha ku nool, hay’adaha dawliga ah, kuwa aan dawladda ahayn u qabanaysa doodo iyo waraysiyo ku saabsan saddexda dhadhaar ee nabada Somaliland ku dhisan tahay oo kala ah dib-u-heshiisiin, dimuqraadiyad iyo maamul-daadejin.

Waynu garanaynaa haddii aan dib-u-heshiisiin jirin oo aan bulshadu heshiin in aanay nabadi jirayn, dabadeedna halkaa waxa laga eegayaa waxaynu gaadhnay, dadkii baa hadlaya, waxaannu soo bandhigi doonaa saddex filim iyo saddex qoraal arrimahaa ka hadlaya.”

“Marxuun Muuse Galaal ayaa waqtiyo uu wax badan ka qoray dhaqanka soomaaliyada wuxuu yidhi, ‘Soomaalidu marka hore way is dishaa oo waramada ayey is dhaafsataa, marka dambena gacmaha ayey is dhaafsataa oo way heshiisaa, marka dambena lugaha ayey is dhaafsataa oo way kala guursataa,” ayuu yidhi Md. Gees.

Agaasime Maxamed Siciid Gees waxa uu tilmaamay in muddada shirku socdo laga doodi doono heerarka Somaliland ka gaadhay saddexda qodob ee cilmi-baadhista lagu sameeyey iyo waxa ka dhiman ee loo baahan yahay in laga qabto.

Madaxa hay’adda Interpeace ee badhtamaha iyo Geeska Afrika Cabdiraxmaan Cismaan Raage oo isna hadal kooban ka jeediyey furitaankii shirka, ayaa ammaanay heerka horumar ee Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyadda iyo dawladnimada.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa loo baahan yahay in aynu guulahaas in shaqo iyo niyad-wanaag lagu adkeeyo oo la wada taageero maamulka cusub. Waxay ila tahay guulaha aad gaadheen way ka horreeyaan, waxaan idiin sheegayaa magaalada Nairobi waxay shacabku u qayili jireen habeenkii dadka soomaalida ahi inay daawadaan dadka codaynaya, markaa guulahaa waaweyn ee dhaafsiisan Somaliland iminka waxaan ka soo laabtay ilaa magaalada New York, waxaan xasuusnahay hamada wayn ee loo qabo isbeddelkii halkan ka dhacay, waxay ila tahay markaa inaad taageertaan taa oo aan suuqa la inaga xukumin oo afku-xooglihii aynu ka baxno oo aynu caqliga, siyaasadda iyo nidaamka ilaalino.”
shirkaa oo ahaa  kii shannaad ee Akaademiyaddu yeelato ayaa socon doona  muddo saddex maalmood ah , iyadoo ay ka qaybgaleen  in ka badan 150 qof oo isugu jira dhammaan qaybaha kala duwan, danneeyayaasha iyo hay’adaha la shaqeeya Akaademiyada, aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo laga soo kala casuumay gobollada dalka.

sidoo kale waxaa  furitaankiisa   kala qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud oo shirka furay  wasiiro, madaxda saddexda xisbi qaran iyo dad ajaanib ah,  balse shirkaa ayaa  ahaa mid ka duwan kuwii hore loo qaban jiray, marka la eego ajandihiisa iyo qabanqaabadiisa waxaana waxyaabaha ku cusubi ahaayeen, iyadoo la dhigay qalabka isku turjuma luuqadaha kala duwan ee ergooyinka kala luuqadaha ahi isku fahmaan, kaas oo loogu talogalay dadka ajaanibka ah ee ka qaybgalaya oo si fudud ulaga soconaya luuqada Soomaaliga ee shirka lagaga wadahadlayo.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *