Hargeysa(ANN)Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi, ayaa ku hawlan kulamo kaanbayn ah oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku mashquulsanaa, kuwaas oo la xidhiidha sidii uu golaha wakiilada uga ansixin lahaa lacag aan sharci ahayn oo laga qaado dadka

dhoofaya iyo kuwa kasoo dega Madaarada dalka.
Wasiirka ayaa tododabadkan kulan uu la yeeshay gudi ka tirsan golaha wakiilada oo wax ka weydiiyay sharciyada lacagahaa, wuxuu ku mergaday jawaabihii uu ka bixin lahaa, isagoo markii danbe ku dooday inuu golaha horkeenayo lacagtaa si aanay ugu wada hadlin mar danbe.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi, wuxuu markaa kadib bilaabay olole uu mudanayaasha golaha wakiilada kaga doonayo sidii ay lacagtaa ugu sharci garan lahaayeen, wuxuuna ilaa shalay kulamo la lahaa qaar ka mid ah mudanayaasha ku mamay Laaluushaka iyo dhaameelka, kuwaas oo wararka iyo xoggaha la xidhiidha kulamdoodu sheegayaan inuu u qaybiyay lacag, isla markaana ay balan qaadeen inay cod ku meel mariyaan maalinta sabtida fadhigooda ansixinta dalabkiisa uu ku doonayo inuu ku sharciyaysto lacagtaa oo ah $10 Dollar iyo 3 Dollar oo madaarada dalka laga qaado, taas oo Wasiirka Maaliyada Sh. C/casiis Samaale markii uu Miisaaniyaddii 2013 oo ay goluhu wax ka weydiiyeen sheegay in aanay lacagtaasi ku dhicin qasnada dawlada. kadibna Guddiyada Dhaqaalaha iyo Daba-galka Hantida Qaranku xog-waraysiyo ku saabsan meesha ay ku baxdo iyo qaabka loo isticmaalo la yeesheen Wasiirka Duulista Hawda iyo gaadiidka Cirka oo jawaab u waayay meesha ay marto lacagta aan sharciga ahayn ee aan ku jirin miisaaniyada qaranka.

Hase yeeshee  Wasiirka  ayaa Guddiyadii la kulmay ee Golaha Wakiilada ku tilmaamay  in lacagtaa ay Maamusho Hay’ada NASHA, isla markaana lagu daboolo Baahiyaha adeegyada Madaarada, taas oo noqonweyday jawaab ay ku qancaan, balse la rumaysan yahay inuu wasiirku lacagtaa u isticmaalo duulaanada iyo dagaalka dhinaca siyaasada ee dadka muwaadiinta ah ee dhaliila siyaasadiisa.

si kastaba aha ahaatee waxa la filayaa in maalinta sabtida, ama Maalmaha soo socda la keeno fadhiga  Golaha Wakiiladda  warbixin ay wasiirka iyo xildhibaanada uu siiyay laalushka ay soo dhoob dhoobeen oo lagu jihaynayo lacagtaa, taas gudiyada wakiilada ee ay wasiirka debeda kusoo heshiiyeen doonayaan in loo sharciyeeyo wasiirka lacagahaa uu ka qaado madaarada dalka ee aan ku jirin miisaaniyada qaranka, balse waxa la eegi doonaa jawaabta golaha wakiiladu ka bixiyo arrintaa, iyadoo aan looga baran golaha wakiilada inay noqdaan kuwo ku shaqeeya danta shacabka ay wakiilka ka yihiin ee noqday gole danahooda iyo Laaluush u hayimay oo keliya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *