Washington(ANN)Dowladda Mareykanka, ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, muddo ka badan labaatan sano tan iyo 1993,  markii dagaal dhexmaray Gen. Caydiid iyo ciidamada Maraykanka, isla markaana Askar Maraykan ah lagu laayay

 

Muqdsiho ee laga soo riday labo helicopter oo diyaaradaha dagaalka ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Hillary Clinton oo uu dhinaceeda taaganyahay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wadajir ugu wada qabteen shir jar’aaid magaalada Washington,  waxa ay ku tilmaantay maalin horumar weyn la gaadhay.

Haweenayda ka sii baxaysa xayndaabka siyaasada Maraykanka  Mrs Clinton waxa ay sheegtay in Mareykanku uu tixgelinayo madaxbanaannida Soomaaliya,  isla markaana uu soo wadi doono inuu si dhaw ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isna uga mahadceliyay Washington waxa uu ugu yeedhay taageerada xooggan ee ay u fidiyeen, wuxuuna xusay inay Somalia gelayso weji cusub oo aan ahayn kii hore.

Dowladda Mareykanku waxa ay sheegtay inay aqoonsan tahay midnimada Soomaaliya, Isla markaana aanay jiri doonin siyaasaddii loo yaqaanay dual track ee maamulada Soomaalida midba gaar loola macaamili jiray.

Hadalkan ayaa ka danbeeyay hadal shalay kasoo yeedhay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Johnnie Carson oo sheegay in Maraykanku uu si rasmi ah u aqoonsan doono dawladda Somalia, wuxuuna xusay in xidhiidh dublomaasi oo rasmiya  uu markii ugu horeysay u bilaaban doono wixii ka danbeeyay 1993,  markii dagaal dhexmaray Gen Caydiid iyo ciidamada Maraykanka, isla markaana Askar Maraykan ah lagu laayay Muqdsiho ee laga soo riday labo helicopter oo diyaaradaha dagaalka ah.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Johnnie Carson ayaa sheegay in dawladda cusubi ay horumar muuqda ka sameysay dejinta dalka iyo wuxuu ugu yeedhay  guul ay ka heshay  ururka Islaamiga ah ee Al-Shabab, wuxuuna xusay inkastoo Al-shabaab laga saaray magaalooyin badan ay hadana maamulaan dhul balaadhan. 

Dhanka kale Wasiirka arrimaha debeda Somaliland oo ku sugan Dalka Imaraadka Carabta ayaa ku tilmaamay in aanay waxba ka bedelayn aqoonsiga dawlada Somalia Maraykanku siisay xidhiidhkii ka dhexeeyay, isla markaana aanay ahayn arrin khusaysa oo wax u dhimaysa qadiyada Somaliland iyo jiritaanka qaranimadeeda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *