Algeria hostage cityAl-jeria(ANN)Khilaaf dublamaasiyadeed ayaa ka taagan weli xaalada dadka ajaanibka ah ee ay kooxda Al-Qa’idada Maqrib ku haystaan wershed soo saarta gaasta oo ku taal Bariga dalka Al-jeria, kuwaas oo aan weli si cad loo ogayn tirada dadka ay haystaan, wadamada ay

u kala dhasheen iyo tirada rasmiga ah ee ay weli ku haystaan halkaa oo aan Nolol iyo geeri waxba laga ogayn.
Wakaalada wararka Al-jeria oo hore u sheegtay inay kooxdu dileen 35 qof oo u kala dhashay  wadamada reer galbeedka, kadib markii ay ciidamada Al-jeria weerareen halkaa ee ay dileen 15 ka mid ahaa kooxda afduubka samaysay, balse warar kale ayaa tirada dadka la laayay ay ku sheegtay wakaalada wararka Al-jeria inay intaa ka badan tahay, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in diyaaradaha dagaalka Al-jeria Khamiistii weerar ku qaadeen halkaa, taas oo keentay inay Afduubayaashu dilaan qaar ka mid ah dadka ay haystaan. kadib markii laga laayay ku dhowaad 18 Malayshida ah.
Tirada Malayshiyada ayaa la rumaysan yahay inay ka badan tahay intii loo malaynayay, iyadoo dadka ajaanibka ee ay afduubka u haystaana loo qiyaasay in ka badan 100 qof. mar kale ayay wakaalada wararka Al-jeria sheegay in ay dileed 11 malayshida ka mid ah. kadib markii ay maanta shaacisay wakaalada Al-jeria in 7 qof oo kale ay dileen kooxda dadka afduubka u haysataa, kuwaas oo lagu sheegay inay 3 ka mid ah u dhasheen Belgian, 2 Americans, 1 Japanese iyo mid  Britain u dhashay.
Sidoo kale Maraykanka, Britain iyo France ayaa hore u shaaciyay qaar ka mid ah dadka afduubka loo haysto ee ay kooxdu laysay, balse waxay xuseen in aanay si cad uga warhayn tirada dadka wadamadooda u dhashay ee afduubka loo haysto iyo xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin Nolol iyo geeri, taas oo ay sheegeen in ay si weyn uga walaacsan yihiin.

Dhinaca kale Dawlada Al-jeria ayaa si weyn loogu canaantay talaabada ay qaaday ee galaafatay nolosha dadka la afduubay, waxayna wadamada qaarkood codsi caalamiya ugu sheegeen  dowladda Al-jeriya inay sameyso wax walba oo suurtogal ah, si loo sugo ammaanka dadka la afduubay ee ay wali ku haystaan maleeshiyada islaamiyiinta saldhiga Saxaraha, kuwaas oo sii deynta dadka caddaanka ah shardi uga dhigay in mareykanku ay sii daayaan Dr.Cumar Cabdi Raxmaan oo lala xidhiidhay qaraxii loo geystay xarunta ganacsiga aduunka iyo Drs.Caafiya Al sidiiqi oo xabsiyada Mareykanka ku xidhan, isla markaana ah haweenay haysta dhalasho Maraykan ah, taas oo lagu eedeeyay inay toogatay laba ka mid ah askarta Maraykanka ee ku sugan Afganistaan iyo maxaabiis kale oo badan oo ku jira inta badan xabsiyada Maraykanka.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Al -Jeria  ayaa sheegay in tobaneeyo katirsan laheystayaasha afrikaanta ah ay weli gacanta ugu jiraan kooxda Al-qa’ida. kadib markii lasii daayay dadka u dhashay dalalka reer galbeedka qaarkood oo gaadhay boqol qof.
Kooxda ayaa maalintii Saddexaad haysta dadkaa oo aan la ogayn inta dhimatay iyo inta nool dowladdaha Japan iyo Maraykanka ayaa ka mid ah dowladaha waydiistay Al-jeeriya in ammaanka dadka la haysto ay ka dhigaan muhiimada ugu wayn, iyadoo Xoghayaha gaashaandhiga ee Maraykanka Leon Panetta,  BBC u sheegay in aanay jirin wax la dhaafayo si loo hubiyo in aanay Al-qa’ida ku yeelan saldig Waqooyiga Afrika.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday saldhiga gaaska ee Al-jeriya, wuxuuna soo saaray qoraal uu ku sheegayo in weerarka uu cadaynayo sida loogu baahanyahay in dadkii ka danbeeyay falka, kuwii qabanqaabiyay iyo kuwii lacagta ku bixiyay in sharciga la horkeeno.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *