Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku mergaday su’aalo laga weydiiyay lacag aan sharciga waafaqsanayn oo wasaaraddiisu ku qaado Madaaradda Dalka, taas oo Wasiirka Maaliyadda

 

C/caiis Samaale oo hore wax looga weydiiyay uu cadeeyay in lacagtaasi aanay ahayn mid ku dhacda khasnadda dawlada.

Hase yeeshee Wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay kulan la yeeshay Gudida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland oo gudidu wax ka weydiisay arrintaa ayaa ku dooday in lacagaha ay ka qaadaan dadka dhoofaya  aanay iyagu qaadin ee ay qaado Hay’adda NASHA ee gaarka loo leeyahay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaan xogogaal ka ahay oo aan ka war hayey mashruucan dadka lacagta lagaga qaado markii la bilaabayey, hawshana (lacagtaa) inaanu baarlamaanka horkeeno way suuroobi wayday baahida loo qabay awgeed, waxaana lacagtaasi qaada shirkada Nasha oo ku daryeesha mishiinada kala duwan ee ay madaaradu ku shaqeeyaan” ayuu yidhi.

Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi oo la weydiiyay sharciyada lacag aan dastuurku jidayn oo aan ku dhicin khasnada dawlada inay qaadaan iyo inay shirkad gaar loo leeyahay qaado lacag sidaa oo kale ah oo aan meelna ku qornayn oo ah $ 10 doolar oo laga qaado dadka madaaradda ka dhoofa ama ka soo degga, wuxuuna isagoo arrintaa ka jawaabaya yidhi,   “Rabitaanka beesha caalamka iyo hay’addaha nala shaqeeya ayaanu u aqbalnay inaanu lacagtan qaadno, oo sida qarankeenu aqoonsi ugu baahan yahay ayey hawadeenuna aqoonsi ugu baahan tahay. laakiin hada ku wada hadlimayno ee waxaanu keenaynaa Golaha wakiiladda.” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Wuxuuna ku dooday in mudadii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay ay waxbadan ka qabteen dayactirka iyo dib u dhiska Madaaradda dalka, isla markaana dhowaan dib loo furayo Madaarka hargeysa oo uu sheegay in hawlweyni ka socoto.

Wasiirka Duulista Hawda iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi waxa uu ku faanay inay si weyn wax uga qabteen Madaarka Berbera, taas oo uu sheegay inay ku dhiirigelisay shirkado caalami ah oo kuwa Diyaaradaha ah , kuwaas oo uu sheegay inay hada qorshaynayaan sidii ay duulimaadyadooda uga bilaabi lahaayeen Madaarka Caalamiga ah ee Berbera.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *