Hargeysa(ANN)Golaha Deegaanka ee Hargeysa, ayaa saaka si lama filaan ah u qaaday Olole balaadhan oo wadooyinka caasimada lagu banaynayo, kaas oo lagu bur-buriyay goobo ganacsi iyo meherado yar yar oo ku yaal hareeraha wadooyinka.

Hawlgalkaa oo subaxnimadii hore ee saaka laga bilaabay suuqa badhtamaha magaalada Hargeysa ilaa Xaafada shacabka, waxa hogaaminayay Maayarka Caasimada Eng. Yuusuf Warsame iyo ku xigeenkiisa C/casiis Caga-weyne oo dhowaan la doortay, kuwaas oo cagaf geliyay inta badan dadka danyarta ah ee meheradaha ku haysta goobahaa iyo kuwa saqafyada cadceeda iyo roobka kaga xidhay dhismayaasha ay ku jiraan hortooda..

Dadka danyarta ah  ayaa ku dooday  in hawlgalka noocan ah ee golaha deegaanka cusub ee caasimaddu ahaa mid aanay filayn, maadaama ay ka filayeen inay ula dhaqmaan qaab ka duwan qaabkii burburinta oo keliya ahaa ee maamulkii ka horeeyay ee Maayar Jiciir. sidoo kale  waxay ku doodeen in aan waxba lagala socodsiin hawlgalkaa, balse ay ku waaberiisteen saaka xili ay doonayeen  inay goobaha ay nolol maalmeedkooda kala soo baxaan kusoo kalaheen.

“Maan ka filayn golaha deegaanka cusub iyo masuuliyiinta aanu shalay dooranay inay sidan naxariis-darada ah noola dhaqmaan oo cagaf na geliyaan, waxaan u aragnaa inaan dhibaatadii Jiciir nagu hayay waxba iska bedelin oo naloo badheedhayo” sidaa waxa tidhi mid ka mid ah Haweenka qoysaska danyarta ah uga raadiya daruuriga meheradaha dawlada Hoose saaka cagta marisay.

Talaabada golaha deegaanka cusub  ee caasimada Hargeysa, ayaa noqotay hawlgalkii u horeeyay ee ay sameeyaan, tan iyo markii ay dhowaan s rasmi ah xilka ula wareegeen, wuxuuna hawlgalkoodu durba muujiyay in aanu jirin qorshe iyo nidaam ay doonayaan inay wax kaga qabtaan mashquulka caasimada ee wadooyinka iyo ganacsiga dadka danyarta ah ee meheradaha ku haysta, kuwaas oo la tacaalaya sidii ay ubadkooda ugu raadin lahaayeen nolol maalmeedka, balse hawlgalkoodu uu xusuusiyay qaabkii ay maamulkii ka horeeyay iyo golihii deegaanka ee Maayar Jiciir cagta u marin jireen dadkaa, iyagoo aan wax qorshe ah u samayn, ama aan siin wax digniin ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *