PHOTO: Denis AllexMuqdisho(ANN)Gudida dhinaca amaanka iyo Amniga u qaabilsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  ugu baaqay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay kala Xisaabtanto Dowladda Faransiiska Howlgalkii  Fashilmay ee Faransiisku ka sameeyeen Deegaanka

 

Buulo Madheedh ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka tirsan Guddiga amniga Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya oo Lahadlayay Idaacadda Shabelle maanta ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya looga baahanyahay in aanay  kaga  hadhin dowladda faransiiska Dhibaatadii ay ka geysatay Gudaha Deegaanka Buulo Madheedh ee Gobolka Sh/hoose.

“ Waxaa khalad ah iyadoo Ciidamada Faransiiska ay doonayaan in ay Bad baadiyaan Muwaadin Faransiis ah in ay dilaan dad Shacab Soomaaliyeed oo dowladdu ay Masuul ka tahay ” Sidaa awgeed wuxuu Xukuumadda ugu baaqay  in loo baahanyahay in ay la xisaabtamaan xisaabtan dhab ah  ay kala Sameyso Faransiiska dhibaatadii gaadhay dadka Shacabka ah ee uu saameeyay Weerarkii Kumaandooska Faransiiska ay ka geesteen Gudaha dalka.

Xildhibaan Xaabsade ayaa dhinaca kale qalad weyn ku tilmaamay in howlgalkaasi uu dhacay iyadoo aan lagu soo wargelin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka difaaca dowlada Somalia C/xakiin Xaaji Fiqqi ayaa shaaca ka qaaday, isla markaana qiray inaan wasaaradiisa lagu soo wargelin  oo aanay waxba  ka ogeyn howlgalkii fashilmay ee ciidamada Faransiisku laba habeen ka hor ka sameeyeen degaanka Buulo madheedh, kaas ay doonayeen inay ku soo furtaan muwaadin uga afduubnaa Somalia muddo sanado ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in haddii dowladda lagu soo wargelin lahaa howlgalkaas uu xaalku ka duwanaan lahaa sida ay hadda wax u dhaceen, isagoo yidhi, “Dowladda Somalia laguma soo wargelin Howgalka ay ciidamada kumaandoska Faransiiska ka fuliyeen Buulo-madheedh, waana ka xunahay in howlgal noocaas oo kale ah ay dowlado kale ka fuliyaan gudaha dalka, mana ogolaanayno hawlgalkaa oo kale inay dawlado ka fuliyaan dalka.”  ayuu yidhi, wuxuuna xusay inay tacsi u dirayaan dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay howlgalkaas fashilmay.
.
Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Mareekanka Barack Obama ayaa hawlgalkaa kadib hadal uu ujeediinayay Aqalka Kongareeeska  waxa uu kaga hadlay doorka ay ku lahaayeen hawlgalkaa  fashilmay ee Ciidamada Faransiisku ay ka sameeyeen Soomaaliya sabtidii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Obama wuxuu xusay in ay taageero kooban ay Siiyeen Kumaandooska Faransiiska,  taageeradaas oo ahayd  talooyin iyo qaabka ay Ciidamadu  u dhigayaan Howlgalkooda, wuxuuna  cadeeyay in mid ka mid ah Diyaradahooda ay soo raacday Diyaaradihii dagaalka ee ka qayb qaatay Howlgalkaa.  Laakin aanay qayb ka ahayn Dagaalka ee ay ujeedadu ahayd jihayn iyo inay caawiyaan faransiiska. Obama ayaa tilmaamay in intii uu howl galku socday ay saacada yar hawada Sooamaliya mid ka mid ah Diyaaradahooda dagaalka gashay si ay caawimaad ugu fidiso Komaandooska Faransiiska kadib dalab  kaga yimi.  laakin waxa uu sheegay inay suurtagal noqonweyday  sababo uu ku tilmaamay xaalad amni.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Faransiiska oo ka hadlay ka dib howl Galkaasi ayaa hore u shaaciyay in hawlgalka ay kusoo furan lahayeen sarkaal sirdoonka faransiiska ah  ay ku guul dareesteen,  balse uu sheegay in sida ay filayeen aanay noqon Islaamiyiinta Al-shabaab oo dagaal  dhexmaray labada dhinac ay askar kaga dhinteen, isla markaana Alex oo ahaa ujeedada hawlgalka la dilay intii dagaalku socday, laakiin Ururka Al Shabaab ayaa beeniyay waxayna sheegeen inay go’aan ka gaadheen sidii laga yeeli lahaa lahaynstaha oo ay weli hayaal, balse ay dagaalka ku dileen sida ay sheegeen laba ka tirsan askartii hawlgalka doonayay inay ku furtaan Alex, kuwaas oo maydadkooda oo faransiisku ka cararay ay soo bandhigeen Al-shabaab.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *