images/stories/m.haashi abdi.jpg Hargeysa(ANN)Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shalay Shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Berbera ayaa shaaca ka qaaday  in dayactir lagu samayn doono Madaarka magaalada  Berbera. kadib markii uu mudooyinkii u danbeeyay booqashooyin uu ugu kuurgelayo xaalada madaarka iyo hawshiisa dhawr Jimce booqday Magaalada Berbera.

 Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sheegay in  qorshaha dayactirka lagu samayn doono Madaarka magaaladaa iyo kharashka ku baxaya oo uu ka dhawaajiyay, isagoo yidhi. “Waxqabad deg deg ah oo salka ku haya in la sameeyo teerminaalka soo degitaanka iyo bixitaanka ee isku mid ka ah ee dadku ku cadiban yahay inaanu kala qaadno oo aanu laba ka dhigno, shirkad la yidhaahdo AMAL ayaanu u xilsaarnay inay daraasadaa samayso, way soo qimeeyeen inay dhisaan mashruucaa ayaanu rabnaa hada. Lacag ilaa $ 80 kun oo doolar ah ayuu ku kacayaa mashruuca hawsha madaarku, waayo dhismihii ayaa taagan, markaa hagaajintii, qurxintii iyo qalabayntii sida noo qorshaysan waxa dhisaysa shirkadaa AMAL, horena qaybo badan baa laga dayactiray, waa gego wanaagsan oo aad u adag oo qiimo badan oo u baahan in la ilaaliyo, ilaalinteeduna masuuliyadaha hay’daha ayey ka mid noqon doontaa. Arrimo fara badan ayaan isha ku hayaa oo aan doonayo inaan xaqiijiyo muddadaa boqolka maalmood ee u horeysa qaxqabadka xukuumadda cusub,” ayuu yidhi
 
Wasiirku waxa uu ka hadlay arrimo ku saabsan dhinaca amaanka Madaaradda dalka, wuxuuna tilmaamay inay waajib tahay in la hubiyo cid kasta oo ka soo degaysa, ama ka dhoofaysa Madaaradda. “Somaliland baa maanta ka ammaansan Soomaaliya oo dhan, waxa dhacday inay jrto waxyaabo ay saluugeen, waxyaabaha ay saluugeena inaan wax ka qabto ayaan doonayaa, diyaarada ay saxaafadu khaldayso Punt Air ayaa la yidhaahdaa, diyaaradaasi waxay aniga I waydiisatay inaan ruqsad iyo diiwaangelin u siiyo ay kaga duulaan Hargeysa iyo Addis Ababa, markaa waa diyaarad niman Soomaali ah oo reer Puntland ahi leeyihiin maaha diyaarad Itoobiyanku leeyihiin,”
Wasiirku waxa uu sheegay inuu  u hawl-geli doono sidii uu u soo celin lahaa duulimaadkii diyaaradda Ethiopian Airlines oo joogsaday markii qaraxyadu ka dhaceen Somaliland, isla markaana uu dhawaan safar ku tagi doono Addis Ababa si uu wadahadal arrimahaa ku saabsan ugala yeesho masuuliyiinta dalkaas.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *