images/stories/shariif1.jpg Muqdisho(ANN) Madaxweynaha dawlada taagta daran ee Somalia Sh. Shariif iyo raysal wasaarihiisa Cumar Cabdirashiir ayaa khilaaf weyni soo kala dhexgalay mudooyinkii u danbeeyay, taas oo cabsi iyo wer wer horle gelisay beesha caalamka iyo ciidamada AMISOM ee taageera dawlada KMG ee ku sugan muqdisho. Sida ay sheegayaan

wararka ka imanaya magaalada Muqdisho waxa uu madaxweynuhu sheegay in Ra’isal wasaare Sharma’arke uu warqad u diray beesha caalamka, taas oo uu  kaga dalbaday in xilliga kala guurka la kala diro Hay´adaha dowladda KMG, kadibna la qabto shirweyne oo dib loogu soo dhisayo dowladda.
 
Sidoo kale waxa uu Ra’isal wasaaruhu wadaa qorshe uu ku doonayo in lagu bedello magaca dowladda KMG iyo arrimo ku saabsan dastuurka cusub oo uu doonayo inuu meel mariyo,  iyadoo aan latashi lagala yeelan, talaabooyonkaa oo aanu madaxweyne shariif raali ka ahayn.
 
Arrimahaas iyo arrimo kale oo si hoose uu u wado Ra’isal wasaaraha ayaa waxaa saluugay madaxweyne Shariif, taasoo la sheegay in ay labada masuul ka dhex dhalisay khilaaf qarsoomi waayay oo muddo todobaadyo gudahood usoo  baxay bannaanka.
 
Wararku qaar  ayaa sheegaya in khilaafka labada masuul  oo xiligan si toos ah debeda ugu soo baxay oo uu gaadhay beesha caalamka, isla markaana ay beesha caalamka Muqdisho u dirtay wafdi UN-ka ka socda oo Arbacadii la soo dhaafay tegey Muqdisho si ay labada masuul  u dhexdhexaadiyaan,  balse waxaa la sheegay  inay ku guuldareysteen dhexdhexaadinta labada mas’uul.
 
Saraakiil sarsare oo Q/Midoobay ka socotay oo Arbacadii dhaweyd Muqdisho booqasho qarsoodi ah ku gaadhay ayaa   la sheegay inay guuldarro kala tageen, iyagoo dib ugu laabtay  magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, kuwaas oo  shir jaraa’id oo ay ku qabteen Nayroobi ku faahfaahiyey khilaafka madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal wasaarihiisa Cumar C/rashiid.

 

 

 

 

 
Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in khilaafkani uu dib u soo nooleeyahay murankii siyaasadeed ee labadan mas´uul u dhexeeyay tan iyo markii uu xilka iska casilay Sheekh Aadan Madoobe, kaasoo haatan sare u kacay, iyadoo la sheegay in Sheekh Shariif uu dhaliilsan yahay Ra’isal wasaaraha oo u muuqda mid awoodda dowladda oo dhan maroorsaday, isla markaana doonayo in uu gebi ahaanba dowladda afgambiyo.
 
Mas’uul ka tirsan dowladda KMG ayaa si hoose saxaafadda ugu sheegay in madaxda dowladda KMG dhowr jeer kulan la isugu geeyay si loo heshiisiiyo, balse ay is mari waayeen, sidoo kalena beesha caalamka ay ku guuldareysatay xal ka gaarista khilaafkooda,  iyadoo khilaafka u dhexeeya labadaa mas’uul uu sare u sii socdo marba marka ka dambeysa.
 
“Khilaafka waa mid jira oo aan la qarin karin, waxaana labada mas´uul ay isku heystaan maamulka dalka, Madaxweynuhu wuxuu doonayaa in amarka laga qaato, halka Ra´isal wasaaruhu uu doonayo in howlihiisa gaarka ah isaga loo daayo” ayuu yiri mas’uulka ka tirsan dowladda KMG.
 
Murankan oo jiray balse deganaa muddo todobaadyo ah ayaa dib u soo kacay kadib markii dhawaan la soo bandhigay dastuur cusub oo qaabka loo wajahay sameyntiisa uu saluugay madaxweyne Shariif oo sidoo kale ka xanaaqay warqad uu Ra’isal wasaaruhu u diray beesha caalamka, taasoo uu ku sheegay inuu ku codsanayo in Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada ay ansixiyaan Dastuurka cusub, lana qabto shir arrintaasi looga hadlayo, iyadoo Madaxweyne Sheekh Shariif uu u arkay in sharkaasi uu yahay shir ka dhigan mid lagu bedelayo ama lagu qabanayo shir la mid ah kii DJabuuti ee isaga lagu soo doortay.
Dhinaca kale xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta laga soo saaray warbixin ku saabsan Dastuurka Qabyada ee dhawaan la soo saaray iyo sidoo kale dhammaadka muddada kala guurka.
 
Qoraalka xafiiska madaxweynaha laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Ansixinta Dastuurka Qabyada iyo Dhammaadka Muddada Kala Guurka ah ay go’aan ka gaadhi karaan Hay’adaha KMG ah oo wadajira.
 
“Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, mugeeduna ballaadhan yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan goldaloolooyin  lahayn,  isla markaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab” ayaa lagu yidhi qoraalkaa  oo la sheegay  in loo baahan yahay si loo helo dastuur dhab ahaan ay Soomaali leedahay in qoraalka qabyada ah uu noqdo mid ay ka dhex muuqato yididiilada iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, taasoo lagu gaadhi karo ka qeyb-gal dadweyne oo aad u ballaadhan.
 
Madaxweynuhu isagoo aqoonsan dadaalka iyo howsha culus ee uu Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxa bannaan qabtay  wuxuu yidhi “Anigoo og in dastuurkan qabyada ah  in uu yahay mid sii wanaajinaya Axdigii KMG ahaa, haddana wuxuu u baahan yahay hufid iyo wax ku darid ka yimaada muwaadiniinta Soomaaliyeed, khubarada sharciga, culimada diinta iyo xubnaha Baarlamaanka si loo xaqiijiyo inuu ka turjumayo danta iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed”.
 
Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay in la sameeyo Guddi Qaran Oo talo bixin ku sameeya  Dastuurka qabyada ah, guddigaas oo sida uu sheegay ka kooban xubnaha Baarlamaanka, khubaro sharci, khubarada dhaqan iyo shacbiweynaha.
 
“Nafhuriddii iyo dhiiggii wasiirrada, xubnihii Baarlamaanka iyo dhiigga hadda daadanaya ee shacabkeenna iyo askarteenna ayaa nagu khasbaya in aan dalbanno Dastuur dhammeystiran oo aan ceeb lahayn oo ah mid Soomaalida ka yimid oo danahooda ku qotoma” ayuu yidhi Shariif.
 
Wuxuuna isagoo ka hadlaya qoraalkiisu sida loo  waajihi karo samaynta dastuur cusub iyo ansixintiisa yidhi, “Dastuurku si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, waana taa midda laga doonayo xukuumadda in ay xoogga isugu geyso sidii lagu gaari lahaa, furuhuna waa in amniga oo la sugo, haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waaweyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato oo afti dadweyne lagu ansixiyey  uu yahay Dastuurkii 1960-kii”.
  Khilaafka labada masuul ee sareeya dawlada taagta daran ee Muqdisho ayaa kusoo beegmay xili ay xoogaga kasoo horjeeda ee Al-shabaab iyo xisbul Islaam ku hayaan khatar oo inay gebi ahaanba meesha ka saaraan kooxda dawlada Sh. Shariif ee taagta daran, isla markaana ciidamada AMISOM ayaa lagu amray inay isku balaadhiyaan magaalada Muqdisho oo ay dhawr iyo toban goobood oo cusub ka samaysteen fadhiisimo, taas oo kusoo beegantay xiliga uu soo baxay khilaafka dawlada Sh. Shariif iyo dawlada Uganda oo sheegtay maalmihii lasoo dhaafay inay ciidamo dheeraad ah ku kordhisay ciidamada AMISOM eek u sugan muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee xaalada dawlada Sh. Shariif ayaa hada u muuqata mid hawada ka baxay, taas oo fursad weyn siinay kooxaha dagaalada kaga soo horjeeda, isla markaana waxa suurta gal ah inay dagaalo cusub oo horlihi ka bilaabmaan Somalia.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *