Nairobi(ANN) Xukuumada dalka Kenya ayaa ka hadhay markii u horaysay dhibaatada Virus dadka loo raaciyay telefoonada gacanta ee Mobile-ka, taas oo si weyn u jaah wareerisay todobaadyadii u danbeeyay dadweynaha Kenya iyo weliba dalalka ay jaarka yihiin qaarkood, iyadoo ay tirooyin dad ahi u dhinteen dhibaato kasoo gaadhay Viruska loo raaciyay telefoonada gacanta, halka kuwo kale cusbataalada loola cararay.

   Wasiirka isgaaadhsiinta dalka Kenya Samuel Poghisio oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa  ayaa sheegay in ilaa hada dhibaatadaa ay la jiifaan cusbataalada dad kor u dhaafay  19 qof oo dhamaantood lagu weeraray viruska telefoonada gacanta la raaciyo.
Sidoo kale warbaahinta wadanka Kenya ayaa dadweynaha u baahiyay digniino fariimo ay uga digayaan shacbiga khatar ka dhalatay mobilada gacanta oo tirooyin dad ahi ku nafwaayeen maalmihii lasoo dhaafay. Kadib markii Virus loo raaciyay lanbaro laga soo wacay oo ay qabteen, taas oo keentay inay dadkii telefoonada loo raaciyay Viruska qaarkood dhintaan, halka tirooyin kalena la dhigay Cusbitaalada dalkaa.
Dhacdada la yaabka leh ayaa keentay inay dadku ka shakiyaan qabashada telefoonada soo garaaca, balse wargeysyada iyo warbaahinta kale ee maqalka iyo muuqaalka dalka Kenya oo dadweynaha uga digaya mushkilada telefoonada ayaa fariimo digniin ah u gudbiyay dadka , kuwaas oo ka digaya halista  uu leehayay viruskani, isla markaana   ku war geliyay  dadka inay qabtaan,  ama ay ka jawaabaan telefonada ay lambaradoodu yihiin, ama ka bilaabmaan   sidan;-
9888854137, 9876715587, 9876266211, 7888308001,9316048121,.

Virus-kan oo maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid sida weyn cabsidiisu u saamaysay dadka ku dhaqan Magaalooyinka Nairobi iyo Kampala, isla markaana abuuray   xaalad  laga shakiyay  in laqabto telefoonada gacanta, iyadoo   Soomaalida  ku dhaqan wadamadaa cabsi weyni soo wajahday. Ka dib markii ay soo baxday sheekada Virus-ku. sidoo kale waxa laga cabsi qabaa in mushkiladan loo soo gudbiyo dhinaca Somalia oo ay dalkaa xuduud wadaagaan, isla markaa xidhiidh gacansi iyo isu socod ka dhxeeyo. mushkilada viruska ayaanay dhakhaatiirtu weli cadayn in qofka ay haleeshaa dadka kale u gudbin karo iyo in kale. sidoo kale xanuunka ku dhacaya ayaanay weli dhakhaatiirtu sheegin nooca uu yahay, balse waxa dadka lagu arkay calaamado uu qofku dhiig ka keenayo sanka sida gororka oo kale haddiiba uu qabto telefanka oo ka jawaabo. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  

Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *