images/stories/sl_el2.jpg   Berbera(ANN)Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay garoonka diyaaradaha ee  magaalada Berbera, taas oo noqonay markii labaad ee uu booqdo madaarka isagoo booqashadiisii hore balan qaaday inuu geynayo Dabdamis, isla markaana uu maanta u sheegay warbaahinta inuu fuliyay balanqaadkiisii ahaa inuu madaaraka keenayo gaadhi Dabdamis ah.

Wasiirka oo kormeerkiisa ku maray dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay garoonku, ayaa markii uu dhameystay kormeerkaa warbaahinta kula hadlay qolka nasashada, wuxu faahfaahin ka bixiyey nuxurka ujeeddada socdaalkiisa oo ah markii labaad ee uu yimaado Madaarka tan iyo intii xilka loo magacaabay.
Wasiirku waxa uu hadakiisa ku bilaabay sidan; “Waa arkaysaano madaarka Berbera waxa ka dhiman adeegyo badan oo ay u baahan yihiin dadka dhoofaya iyo kuwa soo dagayaaba. Ugu horayn waxaan doonaynaa in aanu wax ka qabano hoolka cidhiidhiga ah ee ay dadku ku soo degaan, waxaa kale oo jirta musqulaha oo ku yar dadka rakaabka oo aanu ku talo jirno wasaarad ahaan in aanu wax badan ku soo kordhino dhinaca qalabka lagu soo rogo alaabta oo aad arkaysaan in imika dayac badani ka muuqdo waxaanu ku soo kordhin doona qalab kordhiya tayada shaqada.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in aanay gegida Berberi lahayn dab-demis laakiin imika uu keenay hal gaadhi oo dab-demis ah, isaga oo intaa ku daray in gegida ay diyaraduhu isticmaalaan u baahan tahay in wax laga qabto, isla markaana waxa uu ballanqaaday inay ka hawl gali doonaan.
Intaas ka dib Wasiirka waxaa halkaa ay saxaafaddu ku weydiisay dhawr su’aalood ooo u dhacay sidan:
S/: Wasiir ,qaar ka mid ah dadka rakaabka ah ee madaarka ka soo degay maanta oo aanu wax ka waydiinay adeegyada iyo hoolka nasashada ee madaarka waxay aad uga cabanayeen qaboojiyayaasha oo aan shaqaynayn, iyaga oo wata caruur yar yar oo ay ka keeneen meelo qabow, Berberina ay tahay magaalo xeebeed aad u kulul waqtigan imika lagu jiro wasaarad ahaan maxaad ugu talo gasheen ?

J/: Horta annagu imika ayuun baanu bilownay shaqada xukuumadii naga horaysayna wax badan kamay qaban madaarada markaa waanu dedaalaynaa waqtiga ugu haboona waanu u samayn doona hoolaal ay ku jiraan qabowjiyaayaal wanaagsani oo waxaanu dhawaan dhisi doona hoolka wayn ee qabyada ah haddii Ilahay yidhaahdo.
S/: Wasiir waa safarkaagii labaad intii xilka lagu magacabay ee aad ku timaado madaarka Berbera maxaad is leedahay waad ka faa’iiday oo waad ogaatay baahiyaaha ka jira madaarka?
J/: Walaahi wax badan ayaa iiga kordhay oo aan ogaaday oo markii hore waxaan ahaa nin xil uun loo magacaabay laakiin waxa muhiim ah in aan ogaado meelaha xilku iga saaran yahay.
Madaarka magalada Berbera ayaa muddooyinkii u dambeeyey dhaqdhaqaaqiisu gaadhay meel aad u saraysa, iyada oo todobaadkii ay yimaadaan 12 duulimaad, halka xilliyada xaggaagana ay intaa ka badan yihiin, ayaa hadana waxaa madaarka Berbera ka muuqda dayac aad u ballaadhan, isla markaana xiliyada dadka rakaabka diyaaraduhu kasoo degayaan halkaa iyo marka ay ka baxayaan ayaa si weyn looga dareemaa maamul xumo iyo qaab fowdo ah oo gebi ahaanba madaarka u ekaysiiya meelaha laga raro dadka tahriibta ah ee sida sharcidarada ah u safra. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *