images/stories/geeljire.jpg  Hargeysa(ANN) Wasiirka cusub ee Wasaarada warfaafinta Somaliland  Cabdilaahi Jaamac (Geel-jire) oo dalka dibadiisa ku noolaa ayaa maanta markii ugu horeysay dalka yimid tan iyo markii xilka wasiirnimo loo magacaabay, wuxuuna saaka ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera, isaga oo ka soo kicitimay dalka Kanada oo uu ku noolaa muddo ka badan 27-sanadood.

 Md Geel-jire ayaa Madaarka Diyaaraha ee Berbera waxa ku soo dhaweeyay dadwayne aad u badan, kuwaas oo isugu jiray masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Saaxil, Salaadiin, aqoonyahan iyo dadwayne kale oo sitay calanka xisbiga talada dalka ku guulaystay ee KULMIYE, iyagga oo u soo galbiyay dhinaca Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Geel-jire oo warbaahinta kula hadlay Huteelka Ambaasador oo uu kusoo degey ayaa wax ka tilmaamay waxyaabaha ugu muhiimsan ee u qorshaysan marka uu xilka wasaarada la wareego inuu qabto.
Md Cabdilaahi Jaamac waxa uu balan qaaday inuu ku dadaali doono sidii Idaacada Qaranka ee Radiyow Hargeysa uu u gaadhsiin lahaa dalka oo dhan si bulshada Somaliland ay ugu sinaato dhagaysiga Idaacada “aniga qorshahayga ugu horeeya waa idaacadii qaranka ee inta badan la iswaydiinayay in dalka oo dhan la gaadhsiiyo, taas ayaanan ka hawlgalayaa oo waxa ugu horeeya ee aan hirgalinayo ama doonayo inaan hirgaliyo ee aan doonayo inaan golaha wasiirada la kaashado waa idaacada.” ayuu yidhi Md Geel-jire, waxaanu intaa sii raaciyay oo uu balan qaaday in wasaaradiisu ku dadaali doonto inay tayeyso warfidiyeenada dalka guud ahaan gaar ahaan kuwo dawlada.
 
ugu dambayn Wasiirka wasaarada Warfaafintu waxa uu balan qaaday in aanay cabudhin doonon fikir iswaydaarsashada bulshada sida buu yidhi ay caanka ku ahayd xukuumadii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin. Mudane Cabdilaahi Jaamac Geeljire ayaa caan ku ahaa qoraallo isdaba joog ah oo jaraaidada Somaliland ku soo bixi jiray, maqaaladaa oo taxane ahaa oo dadku aad u jeclaayeen., waxaanu si ba,an u weerari jiray dawladii hore ee Daahir Riyaale Hogaanka u hayay , isagoo ku tilmaami jiray dawlad  musuqmaasuq.

Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan ”Cabdillaahi Geeljire ayaan wali si rasmi ah u sheegin inuu qoraaladii Dube iyo Doolaal ee uu soo bandhigi jiray inuu soo saari doono iyo in kale balse waxaynu sugnaa waa shirka jaraaid ee ugu horeeya oo saxaafada Somaliland uu u qabto iyo iyo su,aalaha saxaafadu uula diyaar tahay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *