images/stories/astaanka tv-qaranka somaliland.bmp  Hargeysa (ANN)Telefishanka qaranka somaliland ayaa habeenkii labaad ka maqan hawada. Kadib markii uu shalay galabnimadii hawada soo geli waayay. Ilaa hada xukuumadu ma sheegin sababtaa uu Tv-ga qaranku hawada uga maqan yahay habeenkii labaad, balse qaar ka mid ah hawlwadeenada ka hawlgala yaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews inay ciladi ku timi war laliyaha    Transmitter-ka.
Hawlwadeenada Telefishanka qaranka ayaa caawa shebekada araweelonews u xaqiijiyay in aan weli xal loo helin cilada ku timi telefishanka, kuwaas oo xusay in weli lagu hawlan yahay sidii xal loogu heli lahaa.

waxa markii u horreysay si buuxda hawada looga waayey TV-ga qaranka gebi ahaanba baahintii habeenimo ee xalay, kadib markii sida la sheegay ay cilladi ku timi qalabka hawada ku baahiya ee loo yaqaan

Telefishanka Qaranka oo si wayn looga dareemay daawasho la,aantiisa guud ahaan caasimadda somaliland ee Hargeysa iyo nawaaxigeeda oo si toos ah looga daawan jiray, balse aan laga dawaan jirin magaalooyinka kale ee Somaliland, marka laga reebo qaybta la raaciyay satalaytka ayaan ilaa hada laga warqabin sababta rasmiga ah ee uu hawada uga maqanyahay.

Cilada xiligan ee telefishanka ayaa kusoo beegantay xili ay xukuumada cusubi ku jirto magcaabis iyo xil ka qaadis masuuliyiintii hore ee xukuumadii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada, isla markaana maamulka telefishanka ayaa ka mid ahaa meelaha farta lagu fiiqayo in lagu sameeyo isbedel, kaas oo ka mid ahaa meelaha ay xubnihii gudida anshaxa ee doorashadii madaxtooyadui sida gaarka ah u calaamadiyeen kadib markii maamulka Telefishnka qaranku u hogaansami waayay xeerarkii anshaxa ee saxaafada xiligii doorashada madaxtooyada Somaliland. Sidaa awgeed waxa jira warar tibaaxaya in cilada ku timi Tv-ga qaranku aanay ahayd mid si dabiici ah u timi, balse ay la xidhiidho arimo siyaasadeed oo lagu carqaladaynayo xukuumada cusub.

Telefishanka qaranka oo aan habeen qudha si buuxda hawada looga waayin tan iyo markii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale dalka ka hirgelisay sannadkii 2004-dii. Iyadoo ay xukuumadii Rayaale u adeegsan jirtay dacaayadaha axsaabta mucaaridka iyo borobagaandooyinka siyaasadeed oo uu si qaawan u baahin jiray.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *