Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa beeniyay war ku soo baxay Wargeyska Haatuf ee ka soo baxa Hargeysa, kaas oo sheegayay in Masaajid uu ku tukanayay oo ku yaala Koonfurta magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay in la taageero Kooxda Al-shabaab ee dagaalanta dalka Somalia.

Wasiirku wuxuu sidaa ku sheegay shir saxaafadeed uu ka akhriyay qoraal uu kaga jawaabayay warkaa, kaas oo u dhignaa sidan:-“Warka ku soo baxay Wargeyska Haatuf ee sheegayay in Aniga oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta aan fadhiyay masaajidka Hudda ee ku yaala kaalinta 8-aad ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo wargeysku sheegay in laga taageeray kooxda Al-shabaab Aniguna aanan wax jawaab ah ka bixin, Waxaan u sheegayaa bulshada Somaliland ee xaqiiqada jecel inaanan fadhiyin masaajidkaasi oo aanan maqal warkaasi, hase yeeshee aan soo gaadhay salaadii witriga waxaanan fadhiyay markii Sh. Maxamed Cali Geeddi uu ka sheegay in cid jibaysani aanay ka hadli karin masaajidka iyagoo aan  fasax ka haysan  Guddida masaajidka iyo imaamkiisa. Anigoo gudanaya masuuliyada iyo waajibaadka I saaran waajibaadkaygana gudanaya waxaan ka hawl galay inaan xaqiiqadda ogaado.
Waxa ii  caddaatay in qofkii ka kacay masaajidka uu aayadihii jihaadka ee lagu tukanayay salaatul laylkii uu inta uu jibooday u fasiray dadkii, hase yeeshee ma uu taageerin Al-shabaab iyo koox kale toona.
 
Wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay 2430 ee soo baxay 15/08/2010-kii uu igu eedeeyay inaan Radio Hargeysa ka joojiyay qasaa’idkii nabi ammaanka ahaa, waxa kale oo ay igu eedeeyeen inaan aaminsan nahay madhabta Xambaliyada ee wahaabiyada, dhawaana aan soo saari doono  amar aan ku joojinayo xuska dhalashada nabiga NNKHA, oo aan horseedayo khilaaf diineed, arrintaasina waa wax xaqiiqada ka fog.
 
Waxaan mar kale, waxaan dadweynaha reer Somaliland ee nabadda jecel ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan wax allaale iyo wixii shaki ku abuuraya iyo  khilaaf aan jirin ka dhex wada  dalka iyo dadkaba. Kuwaasi  oo ku caan baxay been abuur iyo isku dhufshada bulshada muslimka ah ee ka badbaaday khilaafka diineed ee ka jira mandaqada.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *