images/stories/ambassador maxamed xasan.bmp  Hargeysa(ANN)Kulan  Casuumad Casho Sharafeed ah oo lagu muujinayay taageerada loo,  isla markaana lagu maamuusayey wakiillka Cusub ee Xukuummada Somaliland u magacowday dalka Ethiopia Mr.  Maxamed Xasan Siciid ayaa 

 xalay  lagu qabtay Huteelka Summer Time ee Magaalada hargeysa.alada Hargeysa.
Munaasibadaa Casuumada ah oo ay ka soo qeybgaleen, Dr. Maxamed Rashiid Sheekh, Boobe Yuusuf Ducaale, Madaxa protocol-ka Madaxtooyada Maxamed Cilmi, la-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha dhalinyarada Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, Maareeyaha Cusub Wakaallada Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis, Agaasimaha Havoyoco Ismaaciil Maxamed Axmed, Agaasimaha Cusub ee SONYO, Siciid Maxamed Axmed, aqoonyahano, dhalinyaro fara-badan iyo marti sharaf  kale. Kulnakaa waxa soo qabanqaabiyey Agaasimaha Hay’ada ANPPCAN. Mr. Maxamed Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu  u mahad-celiyey dhamaan dadkii ka soo qeybgalay casuummadan casho-sharafeedka, isaga ku bogaadiyey xilka  loo dhiibay wakiillka Cusub ee dalka Ethiopia Maxamed Xasan Siciid, oo uu ku tilmaamay inuu u qalmo, isaga iyo qayrkiiba,
 
Maxamed Xasan waxa uu ku tilmaamay wakiillka Cusub ee loo magacaabay inu soo Somaliland u joogo dalka Ethiopia inuu yahay Wiil dhalinyaro ah oo fir-fircoon, isla markaana loo baahan yahay in la garab is-taago oo la taageero, waayo, nin dhalinyaro ah oo dhiig cusub leh oo wax badan qaban kara.
adaha HAVOYOCO, ANPPCAN,iyo hay’ada Hay’ada.   
“Somaliland waxay maanta u baahan  tahay dad dhalinyaro ah oo fir-fircoon oo wax badan qabanaya, in xilal badan loo dhiibo, waayo wakhtigani waa wakhtigii dhalinyarada” ayuu yidhi Maxamed Xassan.

 
Boobe Yuusuf Ducaale oo ka tirsan masuuliyiinta sar sare ee hay’ada Academiga Nabada iyo horumarinta Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu  yidhi“Bar-baarta halkan fadhida waanu u mahad-celinayna, annaga oo uga mahad-celinayna Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] inuu balanqaadkiisi qeyb ka mid ah kaga dhabeeyey, annaga oo si buuxda ugu hambalyeynayn oo doonayna inay hambalyadu isa soo tarto, oo uu maalinba maalinta ka danbeysa uu qaar hor leh magacaabo [Dhalinyaro], ilaa annaguna kor ugu dhawaaqno inay hambalyadaasi noqoto mid buuxsanta”.
 
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaan is-leeyahay waa la soo dhaafay wakhtigii ay dhalinyaradu odhan lahayd waxaas ha na loo dhiibo iyo waxaas ha naloo dhiibo, wixii imika ka danbeeya wixii ay qabsan karayaan ha qabsadaan,”
 
Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu kula taliyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo inuu dhalinyarada hoos u eego, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Waxaan madaxweynaha kula talin lahaa, la-taliyaal badan ayuu magacowdee  inuu wakhtiga intiisa badan siiyo la-taliyaha dhalinyarada, aniga oo la taliyaha dhalinyaradana kula dar-daarmaya inuu ku-xigeen ama dhiigiisiyo inan ah inuu isaguna meesha keeno, bal si loo fahmo dhibaatada gabdhaha yar yar haysata”
“Madaxweynuhuna waa inuu siiya wakhti badan  inuu arko dhalinyarada, wax kale haddii laga tagi-waayo inuu fahmo af-Soomaaliga ay dhalinyaradaasi ku hadasho maaha dareenkooda oo kaliyaata” ayuu yidhi


 
Madaxa-protocol-ka Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cilmi Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-naqay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay casuumada Casho-sharafeedda, iyo ururadii soo qaban-qaabiyey cashada.
 
“Halkan, waxaan ka hadli jirnay annaga oo KULMIYE  ah oo yara xiiqsan oo wax badan akhriyeyna, maanta yididiiladu way fiican tahay, balanqaadadii uu Xisbiga KULMIYE wakhtigii uu ololaha ku jiray balanqaaday waa innaagaa arkayna inay socdaan.Hadana waxaan markaa dhalinyarada ka codsanayaa inay dawlada taageeradoodi inay kala hadhaan maaha ilaa ay arkaan wixii la-qaban lahaa oo aan fulayn, beryahana waxaad mooda inay waxoogaha  niyad jab ah ay yara muuqdaan, ……….. dee shaqadii way socotaa waa 33-cisho inta ay dawladu magacaaban tahay, markaa innaga lafteena yaanay kala horeynin firka iyo ficilkeenu oo halkaas laftigeeda wax ayaa iska keen dhaafayaa,”ayuu yidhi Maxamed Cilmi Aadan.
Maxamed Cilmi waxa uu codsaday in lala shaqeeyo Dawlada oo la taageero, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa fiican in dawlada la yidhaahdo waxaas ayaad qabatay oo aad ku fiican tahay, waxaas ayaana xun ee ha la hagaajiyo,laakin haddii ay wegertu ina shaqeyso taa la-ftideeda laga wanaagsan,  iyada oo warka la isa siinayo, Markaa dhalinyarteenan mutacalimiinta ah, hay’adaheena iyo ururaduba inuu socdo barnaamijkii Xisbigu waa inaynu la socotaa oo aynu ku socono meelaha aynu gaadhaynay, markaa waa in dadka rajo iyo yididiilo la geliyaa, ha na la magacaabo dee hadaydaan nala shaqeyn waxba ma qaban karno, ee waxaanu idin leenahay nala shaqeeya  oo na taageera”.
“Wakiillka Cusub ee Ethiopia Maxamed Xasan Shaqo adag ayaa loo dhiibay waynu la shaqeynaynaa waa inay figradaheena isku darnaa, maadama dawlada dhagaheedi inoo furan yahay aynu ka faa’iideysanaa fursada”ayuu yidhi  Maxamed Cilmi Aadan.
 
Wakiilka Cusub ee Somaliland u  fadhiyi doona dalka Ethiopia Maxamed Xasan Siciid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Dhalinyarada ka soo qeybgashay xafladan, hay’adaha soo qaban-qaabiyey maamulka Dallada SONYO, iyo dhalinyarada asaxaabta oo caawa oo qudha aan nala joogin oo aanu xasuusano  habeeno iyo dharaaro badan oo ay na garab taagnaayeen”.
 
“Maanta xilkan dhalinyarada la soo saaray, sanadadii ugu danbeeyey oodhan waanu qeylinaynay oo waxaanu lahayn dhalinyarada xil ha loo dhiibo, maanta Imtixaan ayaa xagii dhalinayarada loo soo diray oo la yidhi waydinkaas ee soo baasa, Waxaan uga jeeda masuuliyadan maanta ee naftayda iyo nafaha kale ee dhalinayarada ee la magacaabay waxaan kula dar-daarmayaa waxaynu nahay muraayadii dhalinayarada haddii ay mar lunto kalsoonida lagu qabo dhalinayarada waa dhibaato aan boqolaal sano laga soo kaban doonin,”ayuu yidhi Maxamed Xasan Siciid.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Anaguna waxaanu caawa idiin balanqaadayna haddii Ilaahay yidhaahdo shanta sano marka ay dhamaato inaan halkii awal laga odhan jirey waar dhalinyarada wax u dhiiba la odhan doonin, ficilka aanu sameyna waxa uu noqon doona ka dhalinyarada wax loogu dhiibi doono haddii Ilaahay yidhaahdo,”
 
Maxamed Xasan Siciid waxa uu ugu baaqay dhalinyarada aqoonta leh ee ka shaqeeya hay’adaha iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay inay Dawlada iyo qarankooda u soo shaqo doontaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “ Aqoontii maanta hay’adaha ayey wada tagtay, oo shirkadaha ayey wada tagtay waxaan kula dar-daarmi lahaa dhalinayarada u shaqeysa hay’adaha iyo Shirkadaha inay isaga yimaadaan oo aynu agaasime waaxeedyada aynu ka shaqeyno oo aynu u shaqeyno Dawlada iyo hay’adaha Dawliga ah si aanu dalkan iyo dadkan wax ugu qabano”
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *