images/stories/eng. maxamed xaashi.jpg Hargeysa(ANN) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa walaac ka muujiyey heshiisyada kootada ah ee ay xukuumadihii hore la galeen  Shirkadaha TOTAL iyo ganacsadaha carbeed ee Al-jabiri, kuwaas  oo si kooto ah loogu kala xidhay shidaalka iyo dhoofka xoolaha.

 

Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi waxa uu sidaa  ka sheegay mar uu maanta kulan la yeeshay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo ugu yeedhay si ay u xogwaraystaan, wuxuuna si cad u sheegay in heshiisyada xukuumadihii hore la galeen shirkadaha TOTAL iyo Al-jabiri  ay yihiin qaar aan caddayn oo aanay jirin cid kala xisaabtantay.

Wasiirka waxa uu mudanayaasha u jeediyey warbixin uu kaga hadlay qorshayaasha u meelyaala ee uu doonayo inuu wax kaga qabto dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in xukuumaddu muhiimada u wayn siinayso inay mushaharka u kordhiso shaqaalaha dawladda iyo ciidammada, isla markaana uu iminka bilaabay inuu diiwaangeliyo shaqaalaha wasaarad kasta ka hawlgalaya, si kor loogu qaado mushaharkooda, taas oo ay daba socoto in dadka waaweyn ee ka fadhiista shaqada loo qoro gunnooyin.

Wasiirka oo ka jawaabayey su’aalo mudanayaashu ka waydiiyeen heshiisyada shirkadaha TOTAL iyo Al-jabiri, waxa uu sheegay in loo yeedhi doono madaxda shirkadda TOTAL si loola xisaabtamo, isla markaana heshiiska shirkadda Al-jabiri ee xoolaha dhaafisaa la gashay xukuumaddii hore aannu ahayn mid cad.

“Iminka TOTAL waxay maraysaa in shidaalka ay keenaan inay ku wareejiso ganacsato oo lagu baayactamo, ninka u madaxda ahina nin xafiiska taga maaha, nin shaqo ku lehna maaha, markaa waxaan idhi ha loo yidheedo qolada madaxda ka ah TOTAL ee heshiiska lala galay, si loola xisaabtamo. Al-jabiri heshiiska lala galay maaha mid cad, lacagta maxjarka ku baxday cidi garanmayso, sidaa TOTAL cid kala xisaabtantay aanay u jirin ayaanay u jirin, waxay kordhiyeen uun maxjarkeenii hore ee jiray,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu samayn doono qiimaha raashinka quutal-daruuriga ahi ka joogo dunida, si loo oggaado qiimaha laga siiyo caalamka iyo ganacsatadu ka siiyaan dalka gudihiisa.

“Dhinaca maciishada kacday waa bilaa xad, waayo ninka ganacsadaha ahi wixii uu ku keenay ee loogu cashuuray wax ka badan ayuu dadkii saarayaa, waxaan la hadlay wasiirka Diinta waxaan ku idhi dadka ku wargeli inay bisha Ramadaan dadka ka dhimaan sixirkan qaaliga ah.”

Mar uu Wasiirku ka hadlayey cashuuraha la qaado ee aan xukuumaddii hore ka sharciyeyn Golaha Wakiillada iyo kuwii aan khasnada dawladda ku dhici jirin, waxa uu yidhi; “Cashuuraha aan sharciga ahayna horaan uga hadlay oo waxaan idhi wixii wasaaradan khuseeya in golaha la keeno oo la sharciyeeyo ama la diido, markaa Golaha ayaan horkeeni doonaa muddo aan dheerayn, dakhliyadii aan qasnada dawlada geli jirin ee dekadu ka mid ahayd ee ay TOTAL ka mid ahayd ee Al-Jaabiri ka mid ahaa wixii dawlada u qornaa waxaan idhi mid walba halagu soo shubo dakhliga dawlada. TOTAL toddobaadkii hore waxa laga qaaday 131 kun oo doollar oo qasnada dawlada ku dhacday, Al-Jaabiri inta xoolaha la saaray adhiga waxa saaran doolar iyo badh, lo’da iyo geelana min saddex doolar, waxa lagu shubi jiray Abu Dubai waxaan ku idhi halkan ayaad ku soo shubaysaan waxa qabta kastamka Berbera, markaa wixii aan dakhliga geli jirin dekada ayaanu isku hadhnay dekedana wasiirka cusub aragtidiisu meelo kale ayey ku xidhan tahay oo inalama mid aha ama waaqiciga ayuu ka yar fog yahay, waxaanse iminka u kala saarnay wax dekedu leedahay oo adeegyo ah iyo wax dawlada dhexe leedahay, taas waxaan filayaa inaynu ka gudbayno oo ay noqon doonto cashuur go’an iyo dariiq la kala maro. Arrina way fiicnaan lahayd haddii la helayo meelaha qaarkood waxa jira in ninka wasiirka ahi jecel yahay in qofka lacagta qaadayaa inuu meeshiisa ahaado, barigii aan ganacsiga joogay waxaan idhi liisamada la bixinayo halagu soo bixiyo baanka oo qofku waraaqda oo keliya ha soo qaato oo gacantan badan ee ay soo marayso ha laga joojiyo si dadkana ay ugu dhib yaraato. Laakiin wasiirada qaar baa iska jecel inay iyagu xisaabiye meesha ku lahaadaan, waa arrin u baahan in la xalliyo.”

“Waxa kale oo jira hay’daha ajinabiga ah iyo shaqaalahoodaba lacagaha badan ee ay inagu qoraan iyagaa qorshahooda leh, laakiin wasiirka cusub ee Qorshayntu wuxuu yidhi barnaamij aanu annagu leenahay ayaad ku shaqaynaysaan arrintaasi way ka degi wayday, waayo waxay u diraan deeq-bixiyeyaasha mashaariic, taas oo ay soo ogolaadaan kala badh inagu baxo cidda qasaaraha ugu wayni ku dhacaana waa xukuumadda inteeda, waayo NGO-yadu way qaataan waxooda, markaa lacagta ay soo deeqaan wax badan oo ay la noqdaan ayaa jira, markaa halkaasi xisaabtan ayey u baahan tahay.

Waxa iyaduna jirta sharciyada qaar inaan la fulin oo xataa dhulka la boobayo sharcibaa ka yaalay oo barigii aan maayarka ahaa baarlamanka iyo golaha wasiirada waan ka ansixiyey in aan dhulka shacabka (shacab area) wax dambe laga dhisin, laakiin kuwii laga ansixiyey ayaa iyagii bixiyey,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *