images/stories/madaarka berbera dr. sacad.jpg     Berbera(ANN) Wasiirka Cusub ee loo magacaabay Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali shire ayaa maanta ka so o degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera, halkaas oo ay ku sugayeen masuuliyiin xildhibaano iyo dadweyne tiro badan oo qaarkood ka yimaadeen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Dr. Sacad oo ka mid ah xubno aqooyahanka qurba jooga ah ee madaxweyne Axmed Siilaanyo u magcaabay xilalka wasiirada todobaadkii hore, Waxa masuuliyiinta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera

ku soo dhaweeyay ka mid ahaa Maayarka Magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Maareeyaha  Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor, Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil Maxamed Muuse Cabdale (Soobe), Salaadiin Cuqaal iyo dad wayne kale,  kuwaas oo u muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin inuu ka qayb qaato sidii dalka loo horumarin lahaa.
Wasiirka Cusub ee Wasaarada Qorshaynta Dr. Sacad oo ka hadlay qolka Nasashada ee Madaarka Magaalada Berbera ayaa u mahadnaqay dadwaynaha iyo Masuuliyiinta kale ee soo dhawaysay, wuxuuna  u balan qaaday Shacabka Somaliland inuu ka  hawlgeli doono sidii dalka loo harumarin lahaa ee dadka gaar ahaan dhalinyarada Shaqo looga abuuri lahaa, isagoo shacbiga ugu baaqay in aan la degdegin ee laga war sugo rajada  ay keeni doonaan isaga iyo ragga kale ee loo magacaabay wasiirada oo uu  ku tilmaamay kuwo uu ku kalsoon yahay intooda uu aqoonta u leeyahay,  isla markaana  waxa uu xusay in aanu waxba kala  hadhidoonin  sidii loo gaadhi lahaa himilada iyo ujeedooyinka loo baahan yahay in shacbiga Somaliland dalkiisa iyo dadkiisaba la gaadhsiiyo.
Wasiirka Cusubi isagoo ka jawaabiyay su’aal ahayd in dabada laga riixayay markii loo magacaabay xilkan ayaa sheegay in xilka noocan oo kale ahi uu yahay  mid lagu farxo, waxaana uu xusay in aanay jirin cid riixaysay oo ku khasbaysay in xilkaasi uu qabto, balse uu filayay oo uu si niyad ah u aqbalay markii uu Madaxweynuhu  u magcaabay. Sidaa awgeed uu doonayo inuu dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabto oo u shaqeeyo intii karaankiisa ah.
isla markaana laga filayo inuu wax badan qabto, waxaana uu xusay in aan loo soo xulanin qaab beeleed.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isaguna halkaa ka jeediyay hadal kooban  ayaa sheegay in dadkan soo dhaweeyay wasiirka cusub ee qorshaynta ay ka rajaynayaan inuu hormood ka noqdo isbedal hor leh oo ka dhaca guud ahaan Somaliland. Duqa Magaalada Berbera oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  uu Sacad Cali Shire ka mid yahay wasiirada lagu soo xushay aqoonta, isagoo yidhi, “Aqoonta Dr. Sacad lagu ogyahay maaha in lagu soo xushay mid beeleed.   Laakiin  aqoonta ku jirta wax  ha ugu qabto Somaliland.  haddii aan idiinka iftiimiyo  Jaamacada Hargeysa ee aad ogtihiin halka ay maanta mareyso raggii asaaska u dhigay ayuu kamid ahaa waxa kale oo uu kamid ahaa raggii asaaska u dhigey Jaamacada Burco ee iyana ogtihiin halka ay maanta mareyso, Kuliyada Bada ee reer Saaxil ku faanan waa raggii asaaskeeda lahaa amaba sameeyey horta waxan idiin sheegayaa Sacad maaha qurba joog ee wuxu ahaa nin ay Maskaxdiisa cilmigiisuba inala joogaan maskaxdiisana waxbadan ugu deeqay soomaaliland jaamacadaha maanta taaba galayna qeyb weyn ka qaatay” ayuu yidhi Duqa Magaalada Berbera, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Maxamed muuse Cabdale (Soobe) oo kamid ahaa masuuliyiintii ka qaybqaadatay Soo dhaweynata Wasiirka ka mid ahaa ayaa hadalkooban oo uu halkaa ka jeediyey waxa uu ku yidhi “Dr. Sacad (wasiirka ) halkan maanta lagu soo dhaweynayaa Waa gobolkii uu u dhashay waxaana farxad isaga u ah in Madaarka Berbera uu markii ugu horeysay kasoo dego Isaga oo Wasiir ah anaga Reer Saaxilna farxadbay noo tahay intii aan ka sheegi lahaana Duqa ayaa hortay ka warbixiyey Insha alaahu tacaalaa waxaan u rajaynayaa in ilaahay Howsha qaran ee loo igmaday u fududeeyo” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenku.
Intaas kadib waxa waqsiirka Gaadiid aad u tiro badani ka gelbiyeen Madaarka ilaa laga gaadhayo Huteel Maansoor Berbera halkaas oo Qado sharafeed loo gu sameeyay Wasiirka iyo martisharftii kale ee soo dhaweynta wasiirka cusub uga timi Gobolada Togdheer iyo Maroodi jeex, halkaas oo qadada kadib ay qaar kamid ah Madax dhaqameedka, Odayaasha iyo Waxgaradkii kale ee goobtaasi isgu yimi halkaas uga soo jeediyeen Wasiirka dardaarano iyo ducooyinba waxaana kamid ahaa xubnihii halkaasi kala hadlay wasiirka Cusub C/laahi Maxamed C/raxmaan (Awal Bari) isaga oo wasiirkan la hadlayaana waxa uu yidhi C/laahi “wasiir magaaladan aad maanta ka qadeynaysaa waa Berbera waxaana laga yaabaa in magaceeda laguu gudbo waxay lahayd madax badan, oo fiicfiican laba Wasiir bay lahayd Madaxweyne ku xigeen talada dalka Ninka labaad ka ah bay lahayd Ragaasi waxay qaban jireen oo dhan baa lagaa doonayaa inaad qabato, maalintii lagu magacaabayna Dad badani waa hadlay Aniga iyo ragbadan oo halkan iminka fadhiyaa markiiba waanu ku hanbalyeynay markaa waxaanu ku leenahay Wasiir Soo dhawow halkan maanta dadka marayaa ee kusoo dhwaynaya Somaliland oo dhan bay ka kooban yihiin oo looma kala hadhin nasiib maanta waxaad u heshay in Somaliland oo midaysani kusoo dhaweyso waxaanu ku leenahay ilaahay hakula qabto oo wixii aad u dhaqaaqdaba hakuu fududeeyo lakiin Miisaankii madaxdii Berberi lahayd maanta adigaa u jooga sida aad kaalintaa u dabooli lahaydna adey kula jirtaa anaguna waanu kuugu ducaynaynaa in ilaahay kugu asturo” ayuuu kusoo afjaray C/laahi hadalkiisa, Caaqil C/rashiid Xuseen Xasan ayaa isaga oo wasiirka la hadlaaya waxa uu yidhi “Maanta Waxaad tahay wasiir qaran Berber iyo Ciise Muuse toona Wasiir uma tihid Dalku in badan ayuu soo jirey Xukuumada cusubna waxa looga fadhiyaa waxaan hore loo qaban iyo isbedel horumar ku dhisan ayaa laydinka rabaa illaahayna waxaanu ka baryeynaa inuu idinla qabto isbedel klhayrqaba iyo horumar dhaqso leh ilaahay inuu idinka dhigo kuwo taariikh wanaagsan iyo mustaqbal loo aayo oo laydinku xusuusto uga taga Dalkooda iyo Dadkooda Waasiir waxaanu kaa doonaynaa inaad noqoto wasiir umadiisa cadaalad wax ugu qaybiya oo qabyaalad ka fog dowladii hore waxay ahayd mid qabyaalad ku salaysan oo saami beeleed ku qaybsanbay ahayd Reer hebel hadaad tihiin intaas oo wasiir ayaad leedihiin ayaa jirtay, tan maanta waxa laga sugayaa inay qaranimo ku salaysnaato oo gobolaysi iyo waxqabad ku
  Bedesho halkii beelaha ayaa looga baahan yahay adigana Wasiir tacliin leh oo tayo leh oo talo wanaagsan oo waxtar leh lagu ilahaamiyo ilaahay hanooga kaa dhigo” ayuu yidhi Caaqil C/rashiid xuseen xasan.

Dr. Sacad Cali Shire wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada Somaliland kuwa ugu magaca dheer, isla markaana wuxuu ka mid ahaa xubnaha dhinaca qurbaha ku nool ee aan masraxa  siyaasada  hore ugu jirin, Dr. sacad oo ka mid ah aqoonayhanada xubnaha ka ah ururo caalami ah iyo kuwo goboleedba, wuxuu ka mid ahaa koox aqoonyaho somali iyo ajaanaib ah oo la taliyayaal u ah shirkada Dahabshiil.  . Waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda la wareego xilka wasaarada qorshaynta qaranka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *