Hargeysa (ANN) Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyey shirkadda isgaadhiisnta TELESOM oo ay sheegeen inay door muhiim ah ka qaadatay fuddudaynta hawlihi la xidhiidhay doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010 dalka ka dhacday.
Xaflada Komishanka Doorashooyinku shahaadada ku siiyey TELESOM oo ka dhacday xarunta shirka TELESOM ee magaalada Hargeysa, taas  oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta shirada isgaadhsiinta TELESOM iyo xubnaha komishanka,

waxa komishanku shirkadda ku amaaneen hawl fududayn badan oo shirkaddu u samaysay xiligii lagu guddo jiray doorashadii madaxtooyada. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kulankaa ka dib ay soo saareen shirkada Telesom.
Qoraal kooban oo shalay shirkada TELESOM soo saartay, ayaa lagu faahfaahiyey sababaha keenay in komishanku shahaado-sharaf guddoonsiiyaan shirkada, wuxuuna qoraalkaa oo dhamaystirani u qornaa sidan;
“Sababaha ay Guddida doorashooyinku Telesom u gudoonsiisay Shahaado sharafta waxa ka mid ah:
1. Afarta Xarumood ee dhinacyada ka xiga Xarunta Guddida doorashooyinka oo aanu kordhinay capacity-gooda si aanu u dhicin network conjunction.
2. BTS u gaar ah xarunta guud ee guddida doorashooyinka oo aanu rakibnay dhismahooda.
3. Dhammaan goobihii ay codbixintu ka dhacaysay ee dalka oo dhan oo aanu ku diyaarinay adeegyada isgaadhsiinta.
4. Internet awood badan oo 1mb point to point ah oo aanu wakhtigii doorashooyinka ku diyaarinay xaruntooda guud.
5. Xarumaha 6-da gobol ee waaweyn iyo xarunta Hargeysa oo aan ku diyaarinay telefoono bilaa lacag oo u furan gudaha dalka iyo mobilada.
6. Shaqaale ka tirsan waaxaha shirkadda oo aanu ku diyaarinay xarunta doorashooyinka wakhtigii diyaargarawga codbixinta, tirinta iyo ku dhawaaqidaba, kuwaas oo heegan ugu jiray haddiba wax cilad ah ama cabasho ah ay xaliyaan.
7. Dhammaan goob-joogayaashii doorashooyinka, jaanib iyo muwadiinba waxa aanu u qaybinay sim cards bilaa lacag ah si aanu ugu fududayno hawsha ay qaranka u hayeen.
8. Fariimo gaagaban (SMS) aanu si joogta ah muwaadiinta ugu wacyigelinaynay qaadashada kaadhka diiwaangelinta iyo ka qaybgalka codbixinta doorashooyinkii madaxtooyada ee Illaahay inaga guuleeyay.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *