images/stories/muuqaalka ka hor intii aanay kulman.jpg   Hargeysa (ANN)Madaxwaynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu weheliyo  ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ayaa maanta kulan khaas ah oo albaabada loo xidhay la yeeshay  Mudanayaasha Golaha Wakiillada iyo xubnaha shir gudoonka, kulankaa oo ahaa mid  qado ah waxa uu ku qabsoomay hotelka Ambasador ee magaalada Hargaysa.

Kulanka  ay wada yeesheen Madaxwayne Siilaanyo iyo Mudanayaasha Golaha wakiiladu oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Madaxweynaha iyo golaha wakiiladu ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay oo aan loo ogolayn saxaafada. Balse kulankaa ka dib tibaaxao laga helay ayaa sheegaya inay Madaxwaynaha iyo Mudanayaashu ka wada hadleen arrimo la xidhiidha Xukuumadiisa cusub iyo waxyaabaha ay golaha wakiiladu kaga talo galayaan  wada shaqaynta xukuumada cusub iyo xilliga ansixinta golaha wasiirada.

 

 

 

Tibaaxaha laga helay waxyaabaha lagu soo qaaday kulankaa ayaa sheegaya in  kulankaas labada dhinac kaga wada hadleen qodobo xasaasi ah iyo habkii ay u wada shaqayn lahaayeen Xukuumadda iyo Wakiiladu, Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhiniciisa sheegay sida laga soo xigtay qaar ka mid mudanayaasha ka qayb galay kulankaa inuu kaga xog waramay xaalada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka. kadibna  ka dalbaday Mudanayaasha Wakiillada ansixinta Golaha Xukuumaddiisa cusub ee uu dhawaan magacaabay, si uu qorshihiisa iyo barnaamijkiisa siyaasadeed u guda galo, isla markaana waxa uu xusay baahida loo qabo in ummada wax loo qabto oo gamcaha lays qabsado, isagoo usoo jeediyay mudanayaasha golaha wakiilada inay ka gudbaan kala qayb sanaanta Golahaasi ku jiray sannadihii ugu dambeeyey oo mucaaridnimo iyo muxaafidnimo u kala fadhiyeen xubnaha golaha wakiiladu, taasna lagu bedelo  sidii looga  wada shaqayn lahaa  danaha dalka iyo dadka Somaliland iyo horumarintooda.

Wararku waxay intaa ku dareen in dhinaca mudanayaasha Wakiillada ee halkaa ka hadlay Madaxweynaha Axmed Siilaanyo  ay talooyin, tusaale iyo dhiirigelinba u jeediyeen, iyagoo usoo jeediyay inaanu talada isku ururin, isla markaana uu fuliyo barnaamijkiisii uu balan qaaday, iyagoo ku dhiiri geliyay ka midha dhalinta barnaamijkiisa oo ay balan qaadeen inay isku garab taagayaan sidii loo heli lahaa isbedel dhab ah oo muuqda dhinacyada dhaqaalaha siyaasada iyo adeegyada bulshada mudada uu talada hayo. Waa markii u horaysay ee ay kulan yeeshaan Madaxwaynaha cusub iyo mudanayaasha golaha wakiiladu tan iyo markii xilka loo dhaariyay todobaadkii hore.
Dhinaca kale mudanayaasha golaha wakiilada ayaa fadhigoodii maanta ansixiyay xeerka Biyaha oo golaha hor yaalay, kaas oo ay ansixintiisa ogolaadeen 25 mudane, halka ay diideen 15  in sidaa lagu ansixiyo 4 mudanena ka aamuseen.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *