Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xaglatoosiye, ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda u boqoolo deegaanka uu

 

ku suganyahay Siyaasiga Fuaad Aadan Cade oo todobaadkii hore tegey Degmada Xudun ee gobolka Sool. Kadib markii uu ka cadhooday siyaasada xukuumadda Madaxweyne oo uu ka hayay xilka la Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bariga.

Wasiir Xaglatoosiye oo aan la ogayn booqashada ujeedadiisa dhabta ah ee ku waajahan deegaanka Xudun, waxaana suurtagal noqonweyday in aanu wax ka weydiino ujeedada booqashadiisa Xudun, balse warar shebekada wararka ee Araweelo News Network ka heshay illo wareedyo ku dhow ayaa sheegaya in ujeedada booqashadiisa Xudun la xidhiidho arrimo shaqda wasaaradiisa ah oo aanay ahayn kuwo siyaasadeed, waxayna ilowareedyadaasi sheegeen inuu Degmada Xudun ka hirgelinayo Cusbitaal weyn  iyo xarumo caafimad oo lagu daryeelo, isla markaana lagu daaweeyo dadka qaba xanuunka Qaaxada ee deegaamada Bariga.

Cusbitaalkaa oo xarun u noqon doona dadka deegaamada Sanaag, Sool iyo deegaamada hoos yimaada, waxa dhagax dhiagaya sida ay illo wareedyadaasi sheegayaan Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ujeedada booqashadiisa Xudun sidii looga hirgelin lahaa deegaankaa dhismaha Cusbitaalka Qaaxada.

Wasiir Xaglatoosiye, ayaan la ogayn in uu la kulmi doono siyaasiga Fuaad Aadan Cade oo ku sugan degmada Xudun oo ah deegaanka uu kasoo jeedo, isagoo halkaa mudo ka badan todobaad jooay, kadib markii uu ka cadhooday siyaasada xukuuamadda Madaxweyne Siilaanyo ee ku waajahan gobolka Sool.

Araweelo News Network

Hargeysa Somaliland

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *