Qasa(Araweelo News Network)Xoogaga Milateriga ee Ururka Xamaas ayaa xukun dil ah ku fuliyay koox tiradooda lagu sheegay 18 qof, kuwaas

 

oo Maxkamad ku taal Qasa ku heshay denbi ah in ay wadeen Basaasnimo ay ugu shaqaynayeen Yuhuuda.

Sida lagu baahiyay Wakaalada wararka ee Al Ra’yi oo ka mid ah wakaaladaha sida tooska ah u taageersan Xamaas oo soo xiganaysay bayaan kasoo baxay Cazudiin Qasaam kooxda ayaa lagu fuliyay maanta Salaadii Jimcaha ka dib xukunkaa oo Maxkamad ku taal Qasa ku riday xukun ah dil.

Waxaana lagu helay sida lagu sheegay bayaankaa in ay Diyaaradaha Yuhuuda ee Israel ku hagayeen goobaha iyo shaqsiyaadka ay doonayeen in ay ku dilaan duqaynta, taas oo sida lagu sheegay beyaankaa suurta gelisay in ay Diyaaradaha Yuhuudu dilaan qaar ka mid ah Mujaahidiinta Ururka Xamaas ee garabka Milateriga.
Kooxda oo ahayd 18 qof ayaa tacshiirado rasaas ha loo adeegsaday dilkooda, waxaana lagu sheegay bayaanka Xamaas in cidda isku dayda in ay Jaajuus, ama Basaasiin u noqoto Israel sidan oo kale loo dilayo, isla markaana looga digayo in ay nafahooda haligaan, balse ay ku cimra qaataan toogashada lagu fuliyay kooxdaa.
Xukunka Maxkamadda Milateriga Qasa ee Xamaas ku fulisay kooxdaa ayaa kusoo beegmay maalmo ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel duqaymo ku dileen qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Xamaas iyo qoysaskooda.

Araweelo News Network
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *