Hargeysa(Araweelo News Network)Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay mudada rasmiga ah ee la bilaabayo hawsha diiwaangelinta maddaniga ee

 

muwaadiniinta (civic registration), taas oo la doonayo

in laga sameeyo dalka oo dhan.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo hor tegey maanta gudida golaha wakiilada u qaabilsan Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Dabagalka Musuqmaasuqa oo wax ka weydiiyay hawlaha diiwaangelinta, wuxuuna isagoo ka hadlaya arrintaa iyo halka ay hawshaasi maray yidhi,  “Qalabkii diiwaangelinta maddaniga ah oo dhammi wuu yimi, lacagtiina waannu bixinnay, waxaanuna filaynaa in horraanta bisha soo socota (September) ama kala badhkeeda in laga hawlgalo dhammaan goobaha laga diiwaangelinayo dadweynaha.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulankaa ka dib saxaafada la hadlay, isagoo uga waramay waxyaabaha ay gudida golaha ka wada hadleen.

Warancade ayaa ugu baaqay bulshada somaliland inay si buuxda uga qaybgalaan diiwaangelintaa oo sida uu sheegay saamayn ku yeelanaysa xuquuqda muwaadinimo ee qof kasta, isagoo yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa bulshada reer Somaliland inay is-diiwaangeliyaan. Waa tallaabadii u horreysay ee qofka u caddaynaysa inuu yahay muwaadin Somaliland ah oo u dhashay dalkan ee uu kaga duwanaan doono dadka kale ee martida inoo ah, markaa ciddii is qaadanwayda (kaadhka) dhibaato badan baa ka soo gaadhi karta oo goordhaw sida loo xalliyaa adag tahay, waxa ka mid ah in aannu qofku iska soo geli karin magaalooyinka haddii aannu muwaaddin ahayn, ama ahayn marti, in aannu Bangiyada iyo xawaaladaha waxba ka qaadan karin, in aannu hudheel seexan karin.

Sidaa awgeed, waxaan leeyahay ha loo kala dheereeyo, muddo laba ilaa saddex bilood ahna way socon doontaa, markaa qof walba ha ku dedaalo inuu qaato kaadhkiisa muwaaddinka,” ayuu yidhi Warancadde.

Araweelo News Network

Hargeysa Somaliland

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *