XaglatoosiyeHargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo-toosiye, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay warar sheegayay in mudadii uu ku sugnaa Buuhoodle kulan

 

dhexmaray isaga iyo kooxda Cali Khaliif Galaydh oo deegaankaa joogay.
Dr. Saleebaan Xagala-toosiye  oo maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, kadib markii uu kasoo laabtay safari shaqo oo uu muddo ugu maqnaa degaamada Buuhoodlo iyo Caynaba, waxa uus heegay in degaannada bariga Somaliland ee uu socdaalka ku soo maray adeegyadooda caafimaad liitaan, wasaarad ahaana ay wax badan ka qaban doonaan.

Wasiirka Saleebaan Xagla-toosiya oo ka jawaabayay wararka sheegayay in mudadii uu ku sugnaa Buuhoodle kulan dhexmaray isaga iyo Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Maya wax kulan ah oo aanu habayaraatee yeelanay ma jirto, Cali Khaliif iyo kooxdiisu waxaan u arkaa koox nabad diid ah oo qas ka wada deegaannadaas iyo kuwo kale oo waddanka ka tirsanba, wax kulan ahna lamanaan yeelan, dadweynaha ku dhaqan Buuhoodlana nasiib wanaag wax faa’iido ah kalamay kulmin, ciidan iyo ergo toona Buuhoodle kamay tegin, odayaashuna waxay u sheegeen inuu degaanka ka tago oo uu ka baxo, anana manaan kulmin.”

Sidoo kale waxa la weydiiyay Wasiirka Caafimaadka Somaliland xiisada labadii maalmood ee u danbeeyay ka taagnayd deegaankaa eek a dhalatay dilal ka dhacay deegaanka Buuhoodle, wuxuuna isagoo ka hadlaya arrintaa yidhi,“Dadkaas waa dad colaad badan soo maray, dhibadana ku soo jiray, waa dad iminka nabad iyo horumar u jeeda, dareenka aan ka arkayna waxa weeyaan in aanay ogolaanayn cid dambe oo nabadgelyadooda carqaladaysa, waana dad meel uga soo wada jeeda cadawga nabada, waa dad jecel horumar, waa dad is beddelay colaad badan ka dib, inta qasaysa nabadaas dadku doonaayo waxaannu uga digaynaa in aanay carqaladayn, wax dhibana u geysan.”

Mar uu ka hadlayay waxyaabihii uu kusoo arkay deegamadaa ee dhinaca adeegyada Caafimaadka, waxa uu yidhi, “Waxaan muddooyinkii dambe ku maqna safar shaqo oo aan ku tegay degmooyinka Caynabo iyo Buuhoodle, safaradaas oo la xidhiidhay u kuurgalka xaaladaha caafimaad ee deegannadaas ka jira, runtii baahi badan oo xagga caafimaadka ah baa ka jirta, intii aan joognayna waxqabad badan baannu ka hirgelinay, waxaannu u soo dhagax-dhignay mashaariic kala gedisan oo aanu rajaynayno Wasaarad ahaan inaannu fulino dhawaan,” ayuu yidhi Wasiir Xagla-toosiye oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaadhay Hargeysa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *