Dhalinyaro isku xardhay Calanka Somaliland xuska 22 guurada 18 MayHargeysa(Araweelo News Network)Xuska Munaasibada 18 May oo maalinta beri ah ku beegan ayaa xaraaradiisu samada isku shareertay Somaliland, waxaana si yaab leh looga dareemayaa diyaargarawga

 

munaasibadaa magaalada caasimada ah ee Hargeysa, taas oo dhaqdhaqaaqa loogu tabaabulshaysanayo munaasibdaa u muujiyay maalin ciid.
Diyaargarawga munaasibada 18 May oo ah sanad guuradii 23aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanidii luntay 1960-kii. Kumanaan dhalinayaro ah oo isku rinjiyeeyay midbada calanka, ayaa wareegaya shaaracyada waaweyn ee magaalada, iyadoo aan weli la gaadhin xuska munaasibada oo ku beegan maalinta Axada ee beri,  kuwaas raxan raxan u socda qaarkoodna baabuurta raaxada kiraysteen, waxaana cirka isku shareeray qiimaha calamada iyo istiikarada lagu xardhay weedhaha iyo hal ku dhegyada lagu muujinayo munaasibada maalinta 18 May. sidoo kale waxa is qabsaday dhawaaqyada heesaha wadinayada ah oo ka baxaya sameecado waaweyn.

Dhinaca kale Ciidamada amaanka ayaa dhamaantood la geliyay heegan, kuwaas oo maalmihii u danbeeyay waday hawlgalo dhinaca amaanka kor loogu qaadayo iyo baadhitaano gaadiidka ah.
xuska 18 may1
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka Boolisku ay si weyn ugu diyaar garoobeen sugidda ammaanka goboladda dalka maadaama diyaargarawga munaasibadda 18 May oo  saxmad ka dhigtay suuqyada iyo wadooyinka.

Taliyaha oo caawa u warramayay warbaahinta dalku waxa uu sheegay in ciidanka Booliska oo kaashanaya dadweynaha reer Somaliland ay si weyn ugu diyaar garoobeen adkaynta nabad gelyadda dalka.

Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ka hadlaya arrimahaa wuxuu yidhi, “Xaaladda guud ee ammaanka dalku aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay ciidanka Booliska Somaliland-na si weyn ayay ugu diyaar garoobeen adkaynta nabad-gelyadda iyo ka qeyb-galka dabaal dega xuska qaran ee sanad guuradda 23-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanidda Somaliland. Waxaan dadweynaha ku dhaqan goboladda dalka oo dhan ee muwaadiniinta ah halkan ugaga baaqayaa inay la shaqeeyaan ciidammadda Booliska iyo ciidammadda kale ee qalabka sida ee aanu bah-wadaagta nahay oo ay cidii ay ka shakiyaan la socod siiyaan ciidammadda ammaanka,”ayuu yidhi.
Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in socodka gaadiidka la xadiday, wuxuuna dadweynaha u soo jeediyay inay u hoggaansamaan awaamiirta kala duwan ee ciidammadda nabad-gelyadda iyo boolisku siinayaan mudada lagu gudo jira dabaal dega munaasibadda 18-ka May.

Xuska sanadguurada 23aad ee 18 May, wuxuu aad uga duwanyahay xusaskii hore ee la samayn jiray, wuxuu u muuqdaa kii ugu balaadhnaa ee sidan oo kale loogu diyaargaroobo, iyadoo diyaargaraw sidan oo kale ka jiro dalalka Maraynka iyo Yurub oo ay xuska munaasibadaa kala qaybgelayaan muwaadiniinta Somaliland masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaano ka socda Baarlamaanka Somaliland.
Halku dhega sanadguurada xuska 18 May ee sanadkan waxa loogu magacdaray dib u dhiska dalka, waxaana si gaar ah loogu asteeyay dhismaha wadada Ceergaabo oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo bilawday, taas oo loo qorsheeyay in lacag loogu ururiyo sanadkan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *