qaraxa suuqa labaad ee ugu weyn nairobiNairobi(Araweelo News Network)Qaraxyo is daba joog ah aya gil-gilay suuqa weyn magaalada caasimada u ah dalka Kenya ee Nairobi, warar hordhac ah ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ku dhimateen, isla markaana

 

dhaawacyo kasoogaadheen in ka badan 70 qof.
Qaraxyadan oo dhacay duhuradii maanta gaadhi Bas ah iyo qaraxa labaad oo haleelay suuqa lagu magcaabo Gikomba oo ah suuqa labaad ee ugu weyn suuqyada Nairobi, kaas oo lagu iibiyo badeecooyinka mustacmalka ah ee la soo isticmaalay, sida dharka iyo waxyaabaha kale, waxaana inta badan suuqaa wax ka iibsada qowmiyada Kuukuuyada, isla markaana wuxuu suuqu ku yaal meel aan ka fogayn xaafadda ay soomaalidu u badantahay ee Eastleigh.
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaan laba qof oo lala xidhiidhinayo qaraxyadaasi, waxayna xuseen inuu ahaa mid loo adeegsaday walxaha guryaha lagu farsameeyo.
Ma jirto cid sheegatay qaraxaa ilaa hadda, balse waxa uu dhacay weerarka qaraxaasi wax ka yar 24 saacadoo markii uu Amiirka xarakada Al-shabaab Sheekh Muqtaar Abu Zubayr soo saaray digniin uu ku sheegayo in ay dawlada Kenya uga digayaan dhibaatooyin uu sheegay in lagu hayo dadka Muslinka ah ee magaalada Xeebta Kenya ee Bambasa iyo gelintaanka ciidamada Kenya ee gudaha Somalia.
Sidoo kale Qaraxyadan ugu dambeeyeen ayaa ahaa kuwo la rumaysan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin qaraxyo mudooyinkanba ka dhacayay dalka Kenya, kuwaas  oo intooda badan lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen kooxda Islaamiga ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas marar badan fariimo hanjabaado ah u diray Kenya, Uganda iyo dalalka kale ciidamadu ka joogaan Somalia.

Waxa kale oo Qaraxyadani kusoo beegmayaan maalin kaddib markii waddamada Mareykanka, Britain iyo faransiiska ay muwaadiniintooda ugu digeen qaybo ka mid ah dalka Kenya oo ay ugu horayso magaalada xeebta ah ee Mombaza, waxaana dalka Kenya laga daad gureeyay Boqolaal qof oo dalxiisayaal ah, kuwaa oo  u dhashay dalalka Britain, iyadoo inta badan dadkaa laga daabulay magaalada Mombaza.
Shirkadaha dalxiiska Britain ayaa hakiyay dhowr duulimaad oo ay ku tagi lahaayeen magaalada Mombasa maalmihii lasoo dhaafay, kuwaas oo ka cabsi qaba weeraro ka yimaada kooxda Al-shabaab iyo kuwa xidhidhka la leh, waxayna hakinta dalxiisayaashu saamayn weyn ku yeelatay dhaqaalaha dalka Kenya oo mudooyinka xaaladiisu sii xumaanaysay kadib markii ay soo kordheen weeraro xabsi weyn abuuray iyo hawlgalkii suuqa westgate ee kal hore oo si weyn hoos ugu dhigay sumacada dhinaca amaanka iyo dhaqaalaha dalkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *