XaglatoosiyeBuuhoodle(Araweelo News Network)Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xaglo Toosiye Iyo Xubno wefdi ah oo uu hogaaminayay ayaa gaadhay magaalada Buuhoodle ee hore fadhiisinka ugu ahayd

 

kooxda la baxday maamulka Khaatumo.

Wasiirka iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay duleedka Magaalada, waxaana xalay gudaha u galay magaalada qayb ka mid ah wefdiga, kuwaas oo gogol xaadh u sameeyay wasiirka iyo wefdigiisa.

Magaalada Buuhoodle, waxa hore ugu sugnaa kooxda ay hormoodka u yihiin Cali Khaliif Galaydh iyo xubno kale oo sheegta Maamulka Khaatumo, balse wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Galaydh xalay iskaga baxeen magaalada markii ay ka war heleen in wefdiga Wasiir Xagala Toosiye soo gelayaan magaalada, iyagoo aan cidna dhegaysanayn.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qabay in isku dhac ka dhasho siyaasadaha iska soo horjeeda, waxaana xusid mudan in  Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Saleebaan Xaglatoosiye iyo wefdigiisu xoog ku jiidheen koox doonaysay in ay ka hor istaagaan magaalada, kuwaas oo ay Xagla Toosiye iyo wefdigiisu qadar daqiiqado ah u qabteen Tuulda Dan-Dan ee deleedka Buuhoodle in ka laabtaan isku dayga ay doonayaan in ay ku carqaladeeyaan wefdiga. Haddii kale ay talaabo ka qaadayaan.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xagla Toosiye, wuxuu dadweynaha Buuhoodle gaadhsiiyay mashaariic dhinaca adeegyada caafimaadka ah oo ay xukuumadda Somaliland ugu deeqday.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *