Dhegeysiga Dacwadda Wargeyska Haatuf Oo La Mudeeyay Iyo Mucaaradka Oo Dhaliilo Kulul U Jeediyay Xukuumadda Iyo BaarlamaankaHargeysa(Araweelo News Network)Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa maanta ku dhawaaqday mudada rasmiga ah ee dacwadda Wargeyska Haatuf loo mudeeyay. Sidaana waxa saaka shaaca ka qaaday

 

Garyaqaan Yuusuf Dalal oo ah Garsooraha gacanta ku haya Dacwada Wargeyska Haatuf.
Garsoore ayaa manta fadhigii ugu horeeyey ee Dacwadaasi ku muddeeyey in tobanka bishan May Dhagaysiga rasmiga ah ee Dacwadu bilaabmi doonto.

Garsoore Yuusuf Dalal oo hore u mudeeyey dhegeysiga dacwaddaa 4 May 2014, taas oo ku beegnayd maanta ayaa mar kale u mudeeyay dhegeysiga dacwadda Wargeyska Haatuf 10 May 2014, wuxuuna ku wargeliyay masuuliyiinta Haatuf oo saaka kasoo xaadiray Maxkamadda in ay mudadaa usoo diyaargaroobaan si ay isaga difaacaan eedaha loo haysto.

Dhinaca kale waxa Fadhiga Maxkamadda ee maanta usoo diyaargaroobay suxufiyiin ka socday warbaahinta madaxa-banaan iyo  siyaasiyiinta mucaaradka ee Xisbiyada Mucaaradka iyo madasha wadatashiga oo markaa ka dib saxaafada la hadlay ayaa ku canbaareeyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee xisbiga Kulmiye ku eedeeyeen in ay ilawday halgankii dalka loo soo maray iyo ilaalinta xoriyada iyo madaxbanaanida saxaafada.

Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi oo xiligan xubin ka ah kooxda siyaasiyiinta ee la baxay madasha wadatashiga oo ka hadlay arrintaa ayaa yidhi,

“Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland waxay usoo baxday oo ka abuurantay markii la waayay wixii ay dawladu qabatay ee ay sharcigii iyo nidaamkii dalka dar jiidheen, mana muuqato wax sii xumaada mooyee wax kasoo raynayaa” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay siyaasiyiin ka tirsan axsaabta mucaaradka, kuwaas oo dhamaantood dhaliilo u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *