muuse biixi1

Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa si cad u sheegay in aanay jirin sabab u diidaysa inuu doorashada

 

madaxtinimada isu soo taago marka la gaadho shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ku cadaynayo cida musharax u ah hogaanka dalka.
Sidoo kale Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xaq u leeyahay inuu sia soo taago oo aanu jirin sharci u diidaya, isagoo xusay inuu yahay Odaygii xisbiga, balse aanay jirin wax ku jaban haddii uu Gudoomiye (Muuse) isla soo sharaxo.

Muj. Muuse Biixi waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay siyaasada mustaqbalka ee xisbiga iyo dhaliilaha mucaaradka ee shirweynihii xisbiga ee lagu doortay isaga iyo hogaanka kale ee xisbigaa, wuxuuna sidaa ku sheegay waraysi uu maanta siiyay Idaacada BBC-da laanteeda Af-soomaaliga

Waxa uu sheegay in ay awooda saari doonaan midnimada iyo wada-jirka bulshada iyo sidii nabadgelyada dalka loo ilaalin lahaa, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi,  “Meelaha ugu badan ee aanu awooda saari doonaa waxa ka mid ah sidii aanu midnimada iyo wadajirka usii ilaalin lahayn, nabadgalyada guudna aanu ilaashan lahayn. Waxa aanu doonaynaa in aanu siyaasadaydii ictiraaf raadinta aanu sii xoojino, waayo muwaadiniintayada Caalamka ku sugan baasaaboorada ay sitaan lama aqoonsan, taasina waxay ka dhigtay in ay noqdaan dad aan dal lahayn, markaa waxa aanu ku dedaali doonaa sidii aanu ictiraaf ugu heli lahayn dalkayaga”

Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu daadefeeyay dhaliilaha mucaaradka ee shiweynihii xisbiga Kulmiye, isagoo yidhi, “horta yaynaan indhaha iska xidhin, soomaalidu meeshii ay doontaba ha joogtee ama Somalia ama Ethiopia ama Kenya meel kasta soomaalidu waxa xoog leh qabyaalada, waxaana sabab u ah dagaaladii dalkan ka dhacay, laakiin waxa aanu ku dedaali doonaa sidii aanu u suulin lahayn qabyaaladaa”

Hase yeeshee Gudoomiye Muuse oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay haddii mar kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Xisbiga Kulmiye isu soo taago doorashada madaxtinimada iyo waxa uga qorshaysan gudoomiye ahaan Muuse Biixi arrintaa, waxa  sheegay in uu soo dhaweynayo, isagoo yidhi,  “Waa run oo sharciga ayaa u ogolaanaya in uu isa soo taago, waana Odaygayagii, aniguna haddii aan la tartamo maxaa ku jaban, waan soo dhaweynayaa” ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *