Hargeysa (ANN) Wasiirka wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo ka ganacsiga  iyo iibinta dawada qaaxada. Dr. Xuseen wuxuu wareegtadaa ku sheegay in laga bilaabo maanta oo ay wareegtadiisu ku taariikhaysan tahay 

 aan dalka la keeni Karin dawada qaaxada oo la mamnuucay in laga ganacsado, ama lagu iibiyo suuqa.
 Qoraalka wareegtada ayaa u dhignaa sidan;-  “Aniga oo aaminsan, isla markaana tix gelinayna habka ugu wanaagsan ee daawaynta qaaxada, aniga oo eegaya adeegyada daryeelka caafimaadka bulshada Somaliland, anigoo og dhibaatada ka iman karta haddii aan la helin nidaam habaysan oo qaaxada loo xakameeyo, aniga oo ka warhaya in si xun loo isticmaalo daawada qaaxada, aniga oo ka warwarsan adkaysiga jeermiska qaaxada, aniga oo ahmiyad gaar ah siinaya daryeelka caafimaadka mid guud iyo mid gaar ah, aniga oo baryahanba ku foognaa hawlaha qaaxada, laga bilaabo maalinta ku mudaysan wareegtadan, waxa la mamnuucay iibinta iyo soo dejinta daawada qaaxada ee farmasiiyada iyo xarumaha gaarka ah” ayuu ku yidhi Wasiirka wasaaradda caafimaadku wareegtadaa uu maanta soo saaray.
 Wareegatadan cusub ee wasiirka Caafimaadka ayaa la filayaa inay cabsi geliso dad badan oo si aan sharciga caafimaadka caalamiga ah waafaqsanayn uga ganacsan jiray iibinta dawooyinka qaaxada oo suuq madaw iyo fermesiyada qaarkood lagu iibin jiray, taas oo xataa dadka qaarkood si khaldan u isticmaali jireen, kuwaas oo qaarkood iyagoo cuqdad ka qaba isku naaxin jireen, halka qaar kalena siyaabo kale u isticmaali jireen.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *