images/stories/dube.png  Hargeysa(ANN)Tifatirihii wargeyska Haatuf, Maxamed Cismaan Dubbe,ayaa xilkii tifatiranimo iska casilay, taasoo uu ku sababeeyey inay ka dambeysay kaddib markii sida uu sheegay uu mulkiilaha wargeyskaasi, Yuusuf Cabdi Gaboobe, uu wargeyskii u bedelay meel laga caayo beelaha Somaliland isla markaana laga kiciyo fidmo diimeed.

 
Tifatirihii Haatuf, Maxamed Cismaan Dubbe, waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu xalay soo saaray oo uu kaga hadlayo asbaabaha uu isku casilay, waxaanu qoraalkaa oo dhameystirani  u dhignaa sidan;-
 
“Saxaafadu waa tiir ka mid tiirarka uu dal kasta oo dimuqraadi ah ku taagan yahay kuna horumaro haddii ay noqoto mid dhexdhexaad oo ka turjunta runta iyo xaqiiqda.
 
waxaan halkan ku cadaynayaa in aan iska casilay hawshii tifatiramo iyo guud ahaanba shaqadii aan ka hayay wargeyska Haatuf.
 
waxa nasiib darro ah in wargeyska Haatuf  oo  ka mid ahaa wargeysyada ugu da’da weyn uguna sumcada wanaagsan Somaliland, uu indhoweydba ka leexday mihnadii saxaafada lagu yaqaanay kaddib markii mulkiiha Haatuf,Yuusuf Cabdi Gaboobe uu wargeyskii u bedelay meel laga caayo beelaha Somaliland wada daga taasoo ay ugu dambeysay aflagaadado uu dhowaan wargeysku kula kacay beesha bariga Burco,Habarjeclo oo karamaadii beeshaasi meel lagaga dhacay.
 
Waxa kale oo ka mid ah arrimaha igu kalifay in aan ka tago shaqadii tifatiranimo ee aan ka hayay Haatuf kaddib markii mulkiilaha wargeysku caadeystay arrimo ka baxsan anshaxa saxaafada oo ay ka mid yihiin, aflagaado iyo warar mala awaal ah oo laga qoro shirkadaha wadaniga ah, cadaawad joogto ah oo lagu kala kaco saxaafadda madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland iyadoo uu ku colaadinayo sida madaxa banaan ee ay wararkooda ugu saleynayaan xaqiiqda.
 
Iyadoo ay jireen arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo ka baxsan mihnada saxaafada oo uu mulkiilaha Haatuf caadeystay inuu ku kaco ayaa imika waxa uu dhowaan bilaabay mulkiilaha Haatuf, laba arrimood oo aan hore loogu aqoon saxaafada, kuwaas oo  kicin kara fidmo diimeed iyo dagaal sokeeye, arrinta koowaad waa,isir cay iyo qabyaalad qaawan oo uu kula kacay qaar ka mid ah beelaha walaalaha ah ee Somaliland taasoo ay ugu dambeysay aflagaadadii qaawaneyd ee uu sida badheedhka ah uu  ugula kacay beesha bariga Burco,arrintaas oo dhalin gaadhay in fawdo ka dhex abuuranto beelaha walaalaha ah.
 
Arrinta labaadna waa fidmo diimeed oo dhowrkii toddobaad ee u dambeeyey uu si joogto ah uga dhex hurinayay culimada Somaliland, taasoo intii sida joogtada ah ula socotay wargeysku ay arkeen fidnada uu wargeysku ka dhex qarxin gaadhay culimada,arrintaas oo dhalin karta in Somaliland isu bedesho meel kooxo diimeed ku loolamaan sida ka dhacda Somaliya.
 
Haddaba waxaan mar labaad u xaqiijinayaa bulshada Somaliland iyo akhristayaasha in dhamaan arrimaha kor ku xusan ee ka baxsan mihnada saxaafada, aanan anigu wax shaqo ah ku lahayn qoristooda maadaama uu Guddoomiyaha Haatuf,Yuusuf, uu isagu yahay qofka qora dhamaan arrimahaas oo dhan isla markaana uu isagu maroorsaday hawshii tifarinimo ee aan anigu ku magacawnaa, wax talo ahna aanu cidna ka qaadan ha noqoto qorayaasha iyo wariyayaasha ka hawl gala wargeyska, ugu dambeyntii waxan kula talin lahaa anigoo horena ugu taliyay guddoomiyaha Haatuf, inuu ku soo laabto wadadii saxda ahayd iyo miligihii lagu yaqaanay mihnada saxaafadda”.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *