Madaxweyne Axmed-Siillaanyo Oo La Filayo Inuu Ku Dhawaaqo Dufcaddii Labaad Ee Madaxda Maamulkiisa
Hargeysa, Somaliland, August 21, 2010 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo ayaa la filayaa inuu toddobaadkan ku dhawaaqo dafcaddii labaad ee madaxda sare ee maamulkiisa.

 

Sida ay tibaaxayaan warar u dhuuN-daloola agagaarka guriga dalka looga taliyo ee madaxtooyada badhtamaha ilaa ugu dambayn dabayaaqada toddobaadkan ayaa lagu waddaa inuu Madaxweyne Axmed-Siillaanyo magacaabistooda soo saaro koox masuuliyiin ah oo isugu jira madaxda hayadaha madax-banaan iyo agaasimayaasha guud wasaaradaha kala duwan, iyadoo ilaa labadii toddobaad ee u dambeeyey caasimadda Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Madaxweynaha laga dareemayey dhaqdhaqaaqyo iyo kaambaynno la xidhiidha magacaabista masuuliyiinta cusub ee la filayo inuu madaxweynuhu ku dhawaaqo.
Sida la ogyahay Madaxweyne Axmed Siillaanyo waxa uu markii u horaysay ku dhawaaqay golihiisa xukuumaddiisa, isagoo hal soo wada saaray liiska golihiisa wasiirrada iyp wasiir-kuxigeennada.
Waxa kale oo uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo toddobaadkii hore ku dhawaaqay badhasaabada iyo badhasaab-xigeennada gobollada dalkaa oo uu liiska magacaabistooda hal mar soo saaray.
Inkasta oo ay jiraan dad filaya inay ka mid noqon doonaan liiska maamulayaasha uu Madaxweyne Axmed-Siillaanyo ku dhawaaqi doono, isla markaana ay jiraan xubno door ah oo la hadal hayaa, hadana ilaa hadda ma jiraan warar la aamini karo oo saadaal ka bixinaya kuwa ay noqon doonaan saraakiisha la magacaabayo.
Marka la eego xiligii uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo ku dhawaaqay liiska golihiisa wasiirrada iyo xiliga la filayo inuu ku dhawaaqo magacaabista madaxda sare ee hayadaha madaxa-banaan iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha waxa u dhexeeya in-muddo ah, taas oo ay badani u arkaan inuu la raagay, hase yeeshee dadka qaar ayaa rumaysan inay sababta raagistu la xidhiidho dareenkii didmadu ka muuqatay ee kaga soo noqotay qaabkii u dhisay xukuumaddiisa, sidaa darteedna ay raagistu daarran tahay ka baaraan-deg.

Ergeyga Qaramada Midoobay Ee Somalia Iyo Dawladda Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Somaliland
Addis Ababa, Ethiopia, August 21, 2010 (Saxafi) – Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkii la isku odhan jiray Somalia Augustine Mahiga iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debada ee Ethiopia Tekadu Elemu ayaa markii ugu horeysay isla soo qaaday xaaladda ammaanka ee dalkii la isku odhan jiray Somalia, kulan ayaa maalintii salaasadii ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.
Sidaana waxa lagu sheegay warbixin qoraal ah oo ay wasaaradda arrimaha debada ee Ethiopia ka soo saarto arrimaha gobolka Geeska Afrika toddobaadkiiba maalinta Jimcaha, waxaanay warbixinteedii todobaadlaha ahayd ee ay soo saartay shalay Jimcihii ku sheegtay in Ergeyga Qaramada midoobay Augustine Mahiga sheegay in xaaladda Soomaalida loo baahan yahay in horumar laga sameeyo iyada oo la kaashanayo urur goboleedka IGAD oo kaalin adag kaga jira. Waxaanu carabaabay bay warbixintu tidhi in la dhiiri geliyo in ciidamo nabad ilaalineed ee Somalia la kordhiyo, isla markaana la hirgeliyo heshiiskii dhexmaray dawladda ku meel gaadhka ah iyo wadaadada Ahlu Sunnah Waljamaaca.
Wasiiru dawlaha arrimaha debadda ee Ethiopia Dr. Tekeda ayay warbixintu sheegtay inuu isaguna ku adkeeyay in inkasta oo ergeyga la magacaabay xilli adag, oo ay dhibaatooyin badani meesha yaalaan, haddana inay arkaan (Ethiopia ahaan) inay jirto isku xidhnaan iyo iskaashi balaadhan oo beesha caalamka ahi, oo ay ku jirto kulamadii barbar socday kulankii Kampala ee u dhaxeeyay wadamada Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Uganda iyo weliba kulamadii saraakiisha ciidamada ee ay shir Madaxeedkii IGAD
“Taasi oo ka soo horjeedda, isku xidhnaan la’aantii hore u jirtay. Waxaanay tani keenaysaa isku xidhnaan badan oo gobolka, oo ay yeeshaan kuwa taageeraya nabadu.
Imika waxa adag oo meesha taala in la helo isku xidhnaan balaadhan, oo ahayd in la dhiiri geliyo, isla markaana la taageero oo lala shaqeeyo ergayga.
Muuqaalka Alshabaab ee Muqdisho ka jiraa ee ay tahay in la joojiyo, inkasta oo ay isku dayayso inay isbalaadhiso, si ay caqabad ugu noqoto meelaha ammaanka ah sida Puntland iyo Somaliland oo hadda qabatay doorasho si wanaagsan loo agaasimay.
Waxa jirta inay weerarada ay ku hayso Puntland ay kordhayaan, isla markaana hadda maamulka Puntland uu dagaal kula jiro xoogagga ALshabaab.
Waxaanu Dr. Tekeda sheegay inay jirtay taageero la’aan aan wax taakulo ah la siinin dedaaladda meelaha nabadda iyo maamulka ay ka sameeyeen Somaliland iyo Puntland
Ergey Mahiga ayaa isaguna arrintaasi ku raacay, in dedaaladda isku xidhka caalamka iyo taageeradaba ay waajib tahay in lagu darro meelahan,. Xal balaadhan oo caalami ah iyo dedaal ayaa muhiim ahaa xaqiiqdii si loo joojiyay isbalaadhan ALshabaab ayuu yidhi ergeygu,” ayaa warbixinta lagu sheegay
Waxa kale oo ay warbixintu tidhi ‘Sidoo kale taageeradda la siinayo TFG-da iyada oo meesheeda taala. Haddana Tekedda iyo Mahiga waxay ku heshiiyeen in loo baahan yahay in la abuuro hab farsamo oo isku xidhaysa, isla markaana dhiiri gelinaysa in dhammaan la wada taageero ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM, si loo balaadhiyo taageeradooda dawladda TFG-da, iyo weliba in loo baahan yahay in in xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaalida ee UNPOS inuu tago dhulka, isla markaana la hawlgalo Puntland iyo Somaliland, oo ah furayaal muhiim ah. Waxay kaalin badhitaar ah ka qaadan karaan dedaalalada nabadaynta Soomaalida.
Ergey Mahiga waxa uu sheegay in UNPOS ay diyaar u tahay inay Somalia sida ugu dhakhsaha badan ugu laabato, sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay in lugaha lala galo.”
Waxa kale oo muhiim ah oo ay warbixintu sheegtay in inay lama huraan tahay in la soo jeediyo in la qabto (kulan) heer sare ah oo dib loogu eegayo siyaasadda, xilliga ku meel gaadhka ah, waxaana la soo qaaday kulanka kooxda xidhiidhka ee bisha August 27-28 lagu qabanayo magaalada Madrid, iyo qorshaha xoghaha guu dee Qaramada Midoobay inuu kulan la xidhiidha Somalia ku qabto 24-ka bisha September magaalada New York ee carriga Maraykanka

Xisbiga Cusub Ee Ku Guulaystay Hoggaaminta Somaliland Ha U Diyaar Garoobo Weeraro Kaga Yimaado Al-Shabaab
Warbixin – By: Jacob Zenn
Washington, August 21, 2010 (Saxafi) – Tan iyo intii ka dambaysay weeraradii lala beegsaday magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, waxa soo baxaya calaamado muujinaya in Al-Shabaab ay awood u leedahay inay meelo ka mid ah Somalia weeraro ka fulin karto, sidaasi darteedna waa in xisbiga cusub ee ku guulaystay hoggaanka Somaliland isku diyaariyo weeraro kaga yimaada Al-Shabaab.
Sidaa waxa sheegtay warbixin uu qoray qoraaga magaciisa la yidhaahdo Jacob Zenn, taas oo lagu daabacay Magazine-ka magaciisa la yidhaahdo Terrorism Monitor, cadadkiisii 33 ee Volume: 8, ee soo baxay Khamiistii, August 19, 2010, waxaanay warbixintani intaas ku dartay in wadaadka la yidhaahdo Axmed Cabdi Godane oo Somaliland uga soo horjeeda sida uu ninka labaad ee Al-Qaacida Ayman al-Dawaahiri uga soo horjeedo Masar uu gebi ahaanba ka soo horjeedo Somaliland iyo qaranimadeeda.
Qoraaga warbixintani waxa uu taxay dhacdooyin fara badan oo weeraro argagixiso ahaa oo lala maaganaa Somaliland oo ay fashiliyeen ciidamada Somaliland, isla markaana ay arrintaasi guul weyn oo u soo hoyotay ciidamada ammaanka Somaliland tahay.
Waxa kale oo ay sheegtay warbixintani in bishii ina dhaaftay ee July ay saraakiisha sirdoonka Ingiriisku yimaadeen Somaliland, isla markaana la soo qaadeen hoggaanka cusub sida ay iskaga kaashan karaan sidi looga hortegi lahaa khatarta Al-Shabaab.
Waxa kale oo ay warbixintani xustay in dawladda cusub ee Somaliland looga baahan yahay inay iskaashi dhaw kala samaysato Itoobiya sidii kooxahani la iskaga dhicin lahaa.
Warbixintu waxa kale oo ay xustay in aanay Al-Shabaab ku guulaysan inay weeraro ku qaado Somaliland intii ka dambaysay bishii October, 2008, markii la weerararay madaxtooyadda, Safaaradda Itoobiya iyo xafiiska UNDP ee Hargeysa.
Waxa kale oo ay soo qaadatay hadalo ay jeediyeen masuuliyiinta dawladda cusub oo la xidhiidha sida ay ugu diyaarka yihiin inay Somaliland kala dagaalamaan kooxaha argagixisada.

Dawladda Britain Oo Gaadiidka Ugu Deeqday Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland
Hargeysa, Somaliland, August 21, 2010 (Saxafi) – Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Cimaan Jibriil Xagar, ayaa shalay 12 Baabuur oo ka mid ahaa 14 Gaadhi oo ay dawladda Ingiriisku ugu deeqday Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ka guddoomay Sarkaal sare oo dhinaca arrimaha Amniga u qaabbilsan Safaaradda Ingiriisku ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
12-kan Gaadhi ayaa Taliyuhu ku guddoomay kulan lagu qabtay Taliska Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee magaalada Berbera. “Aad iyo aad baannu ugu mahadnaqaynaa dawladda Ingiriiska iyo Mr. Brown oo ah sarkaal dhinaca arrimaha Amniga ee safaarada Britain xarunteeda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa. Runtii dhibaato badan ayaa naga haysatay xagga qalabka hadday tahay xagga Badda iyo hadday tahay gaadiidka Dhulkaba, wax badan oo dhibaatooyinkii baahiyeed ee aannu qabnay wax badan bay ka tari doonaan gaadiidkani.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland Gen. Xagar.
Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland Gen. Cismaan Jibriil Xagar, waxa uu sheegay inay deeqdani hordhac u tahay deeqo kala duwan oo dawladda Ingiriisku ku ballan qaadday inay ku horumarinayso ilaalada Xeebaha Somaliland, kuwaasoo loogu talagalay in lagu sugayo ammaanka guud ahaanba xeebaha dalka iyo la dagaallanka Budhcad-Badeedda Maraakiibta iyo Doonyaha ka qafaasha Biyaha Gacanka.
Dhinaca kale, Sarkaalkan Millatariga Ingiriiska u fadhiya Safaaradda Addis Ababa ee dawladdiisa, ayaa sheegay in Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland door wayn oo muuqda ka qaataan la dagaallanka Budhcad-Badeedka.
Sarkaalkaas oo arrimahaas ka hadlayaana, waxa uu yidhi; “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay hadyaddan aannu ilaalada Xeebaha Somaliland ugu deeqnay inaannu maanta idin soo gaadhsiinno, isla markaana si rasmiya idiinku wareejinno, taasoo aannu filayno inay wax tar ka noqonayso deddaalka aad ugu jirtaan adkaynta nabadgalyadda xeebta dheer ee Somaliland.”
Munaasibada Taliyaha ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ku guddoomay gaadiidkaa, waxa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah Saraakiisha iyo Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanay tallaabadan Britain ugu deeqday Ciidanka Xeebaha Somaliland gaadiidku noqonaysa tii ugu horaysay ee taageero nooceeda ah ee ay Britain siiso Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Hargeysa Iyo Awdal Oo Ku Guulaystay Kaalmaha Hore Ee Tartankii Quraaanka Kariimka Ee Gobollada Dalka
Hargeysa, Somaliland, August 21, 2010 (Saxafi) – Tartankii Quraanka kariimka ah ee gobolada dalka Somaliland ayaa shalay lagu soo gabo gabeeyay masaajidka Cali-Mataan ee badhtamaha Magaalada Hargeysa kaas oo ay ka qeyb galay 62 dhalinyaro ah oo xafidsan quraanka kariimka.
Xafladii loo sameeyay xidhitaanka tartanka quraanka kariimka ah waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirkii hore ee diinta Sh. Maxamuud Suufi Muxumed, Sh, Maxamed Cumar Dirir iyo culimada masaajidada iyo kumanaan dadweyne ah oo ka soo qeyb galay.
Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre, oo ka mid ah Guddida qaban qaabada Tartanka quraanka kariimka ah oo ka hadlay madashaasi ayaa u mahad celiyay 62 dhalinyaro ah oo xufaad ah oo xafidsan quraanka kariimka ah kuwaasi oo ku tartamayay 15 Jis iyo 30 Jis ee quraanka kariimka ah. Waxaanu ammaanay shirkada Dahab-shiil oo uu xusay inay 12 sanadood oo xidhiidh ah ay maalgelinayeen tartanka quraanka kariimka.
Sh. Ismaaciil Dheeg wuxuu sheegay in da’yarta quraanka xafidsan iyo madaarisadaha quraanka kariimka ah lagu bartaaba ay aad ugu soo badanayaan dalka.
Sh. Maxamed Aadan, oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka, ayaa sheegay in 62-ka dhalinyarada ah ee ka qeyb galay tartankaniba ay dedaal weyn muujiyeen hase yeeshee ay dhibco aad u yar lagu kala badiyay. Waxaanu Bogaadiyay Shirkada Dahabshiil oo uu carabka ku dhuftay inay xidhatay kor u qaadista khayraadka iyo kitaabka Eebe.
“Wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxaan leeyahay waa in dawladu ay qorshaha ku darsataa sidii ay diinta kor ugu qaadi lahayd, oo tartankan iyo khayrka quraanka kariimka ah waxa xidhatay shirkada Dahab-shiil ee ay isku dayaan inay qabtaan tartankii quraanka ee Geeska afrika oo kale,”ayuu yidhi Sh. Maxamed Aadan.
Sh. Maxamed Cumar Dirir, oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka waramay fadliga uu quraanka kariimku leeyahay waxaanu u mahad celiyay shirkada Dahabshiil ee sida joogtada ah u taageerta tartankan waxaanu ganacsatada kale iyo muxsiniinta u soo jeediyay inay kaga daydaan oo ay maalkooda ku bixiyaan khayrka.
“Quraanka Kariimka waxa laga helaa caafimaad badan oo xanuunada ruuxda ku dhaca oo aanay daweyn karin dhakhaatiirta caafimaadku,”ayuu yidhi Sh. Dirir, waxaanu si qoto dheer tafaasiil uga bixiyay fadliga quraan barashada iyo akhriska quraanka kariimka ahi leeyahay waxaanu dhalinyaradan u soo jeediyay inay halkaasi ka sii wadaan dedaalkooda.
Wasiirkii hore ee diinta iyo awqaafta Somaliland Sh, Maxamuud Suufi Muxumed, oo ka hadlay kulankaasi ayaa dhalinyaradan uga digay inay sii daayaan quraanka kariimka ah ee ay qeybeen oo uu sheegay inay ku mutaysan karaan ciqaab.
Ugu dambayntii Wasiirka cusub ee diinta iyo awqaafta oo ka hadlay madashaasi ayaa ka hadlay ahmiyada uu leeyahay barashada quraanka kariimka ahi waxaanu u mahad celiyay dhalinyaradii ka qeyb qaadatay tartankan iyo Guddidii soo qaban qaabisayba.
Wasiirku wuxuu soo dhaweeyay shirkada Dahabshiil oo uu sheegay inay kaalin weyn ka qaadatay sidii kor loogu qaadi lahaa kitaabka eebe.
Wasiirka diinta iyo awqaaftu wuxuu sheegay inay Wasaarad ahaan dhabarka u ridan doonaan masuuliyada saaran ee la xidhiidha horumarinta diinta.
Wasiirku wuxuu sheegay inay awooda saari doonaan sidii ay xukuumaddu mustaqbalka u qaban lahayd tartan quraanka kariimka ah oo ay ka qeyb gali doonaan dalalka dariska ahi.
Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyada ardaydii kaalmaha hore ka galay tartankii quraanka kariimka ah.
15-ka Jis
1- Tartankii quraanka kariimka ah ee 15-ka Jis waxa kaalinta koowaad galay C/Rashiid Axmed Cumar, oo ka socday magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, waxaana la gudoon siiyay kitaab quraan ah, Rikoodh, Cadar, Saacad iyo $350.
2- C/Raxmaan Maxamed Yuusuf, oo ka socday magaalada Boorame, waxaana la gudoon siiyay kitaab quraan ah, Rikoodh, Cadar, Saacad iyo 300 oo dollar.
3- C/Wahaab Cismaan Axmed, oo ka socday magaalada Hargeysa waxa la gudoon siiyay kitaab quraan ah, Rikoodh, Cadar, Saacad iyo 250 dollar.
30-ka Jis
1- C/Risaaq Kayse Maxamed, oo ka socday magaalada Hargeysa waxa la gudoon siiyay kitaab quraan ah, Rikoodh, Cadar, Saacad iyo $ 700. wiilkaasi yar oo ah 12 jir.
2- Jamaal C/Naasir Xueen, oo ka socday Gobolka Hargeysa waxa la gudoon siiyay kitaab quraan ah, Rikoodh, Cadar, Saacad iyo $500.
3- C/laahi Maxamuud Axmed, waxa la gudoon siiyay kitaab quraan ah, Rikoodh, Cadar, Saacad iyo $ 400.
Waxa kale oo madashaasi lagaga dhawaaqay Jimciyada quraanka kariimka ah oo ay hormuud u yihiin culimada waaweyn ee dalka.

Hargeysa: Daahfurka Xarunta Hidaha Iyo Dhaqanka Ee Loogu Magacdaray “Abwaan Qarshe”
Hargeysa, Somaliland, August 21, 2010 (Saxafi) – Munaasibad loo sammeeyey daah-furka xarunta Fanka iyo Farshaxanka oo loogu magac-daray Alle ha u naxariistee Abwaankii weynaa Cabdillaahi Qarshe, ayaa xalay lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Hargeysa.
Munaasibadan oo ay ka soo qaybgalleen Wasiirka cusub ee Wasaarada dhalinyarada iyo dhaqanka Somaliland Md Maxamed Xaashi Madar iyo abwaano tiro badan oo ay ka mid yihiin Cali Banfas, Kayd, Nimco Gabaydo iyo qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa madasha waxa laga jeediyey shakhsiyadii Cabdillaahi Qarshe iyo waxyaabaha lagu xusuusan doono.
Boobe Yuusuf Ducaale oo ah shakhsi si gaara isugu xilqaama qoraallo uu ka sammeeyo dadka magaca iyo maamuuska ku leh dalka oo halkaa ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay shakhsiyadda Abwaan Cabdilaahi Qarshe waxaanu sheegay inuu ahaa shakhsi wadani ah oo dhul jecel, isla-markaana uu ahaa shakhsi ku dadaala sidii uu fanka Soomaaliyeed sare u qaadi lahaa “ILAAHAY ha u naxariistee 28-kii October 1997-kii ayuu ku geeriyooday magaalada Lodon, 3-dii November 1997-kii maalin isniin ah ayaa lagu aasay Magaalada Hargeysa.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray oo uu wax ka tilmaamay maasnooyin ay abwaano badani tiriyeen markii uu geeriyooday Abwaan Cabdilaahi Qarshe “Alleylahe salaam-baa burburay loo sinaan jiraye, Alleylahe siraad-baa bakhtiyey meel sudhnaan jiraye, sugaanka maansiyo fankii seedahaa go’aye, sambabkaa dalooshamay codkii suubanaan jiraye, kabankuu sabaalayn jiray suulashaa jabaye.” Ayuu yidhi Cabdi Yuusuf Ducaale isaga oo mid mid u soo qaadaya maasnooyinka qiirada badan ee laga tiriyey geeridii naxdinta lahayd eek u timid Abwaan Cabdilaahi Qarshe oo dad badan ku xasuustaa heestii doorashada ee midhaheeda ay ka mid ahaayeen “Waaryaadhaay doorashadu wax wayn weeyee.”
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Abwaan Cali Xasan Maxamed (Cali Banfas) oo sheegay inay si gaar ah u saaxiib ahaayeen Cabdilaahi Qarshe isla-markaana uu ahaa macalinkiisii dhinaca suugaanka.
Cali Banfas waxa uu ka sheekeeyay shakhsiyada Abwaan Cabdilaahi Qarshe waxaanu tilmaamay inuu ahaa shakhsi aan beenta iyo xanta aan lagu aqoon imikana uu dadka ka mudan yahay in loo duceyo.
Cali Banfas waxa uu isaguna mid mid u soo qaaday heeso uu isagu sameeyay kuwaas oo dhammaantood ka sheekaynaya shakhsiyadda Abwaanka.
Munaasibada lagaga dhawaaqayey oo uu soo qaban qaabiyay ururka SAAC ayaa isaguna ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Aaden Maxamed Mire Waqaf oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in xisbi ahaa ay soo dhawaynayaan xaruntan cusub ee loogu magac daray Abwaan Cabdilaahi Qarshe oo taariikhda Somaliland meel wayn kaga qoran.
Aaden Waqaf waxa uu sheegay in wax alaale iyo wixii ay la qaban karaan la qaban doonaan xarunta fanka iyo farshaxanka ee Qarshe.
Xaflada oo ay ka hadashay Agaasimaha ururka SAAC Yaasmiin Maxamed Kaahin ayaa isaguna waxa ugu dambayn kalmado soo dhawayn ka sheegay wasiirka cusub ee wasaarada dhalinyarada iyo dhaqanka Maxamed Xaashi Madar, waxaanu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay xarunta cusub ee la furay.
Ugu dambayn munaasibada oo ay ka soo qayb galeen qoyskii Cabdilaahi Qarshe waxa lagu soo gunaanaday heeso wadani iyo dhaqan ah oo lagu soo dhawaynayo xarunta fanka iyo farshaxanka ah.

Baabuur Tikniko Ah Oo Ay Leeyihiin Ciidamada Puntland Oo Miino Kula Kacday Degaanka Buuraleyda Ah Ee Gal-Gala
Galgala, Somalia, August 21, 2010 (W.Wararka)-Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidanka maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhintay dhawr askari oo kalena dhaawac ayaa ka soo gaadhay ka dib markii ay baabuur Tikniko ah la kacday miino kuwa dhulka ah oo loogu aasay waddo ay marayeen oo ka tirsan deegaanka Buuralayda Galgala.
Miinadan loo dhigay Baabuurka tiknikada ah ayaan la garanayn cidda dhigtay, isla markaana cidi ma sheegin ilaa hadda, haseyeeshee deegaanka Galgala waxa ku sugan kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda Maamul-goboleedka Puntland oo uu hogaaminayo wadaad lagu magacaabay “Attom”, kuwaas oo toddobaad ka hor uu dagaal qadhaadh dhexmaray Puntland.
Maamul-gobolleedka Puntland ayaa muddooyinkii uu danbeeyey la tacaalayay rabshado kala duwan oo inta badan ka dhaca gudaha magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe oo kooxo dabley ahi ka qawlaystaan.
 
Ururka Al-Shabaab Oo Dab-Qabadsiiyey Raashin Caawimo Ah Oo Loo Qaybin Lahaa Dadka Ku Barakacay Dagaalada Muqdisho
Muqdisho, Somalia, August 21, 2010 (Saxafi) – Xarakada AL Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa shalay magaalada ku gubay Raashin ku jiray Bakhaarada oo ay lahayd hay’adda WFP.
Raashinkan ayey ku sababeeyeen inay dhaceen oo ay wakhtigii loogu tallo galay in la cuno ay dhaaftay, isla markaana ay bakhaarleyda ku amreen inay soo ururiyaan raashinkaasi si loo gubo.
Raashinkan ay gubeen Xarakada Al -Shabaab ayaa waxa gacanta ku soo dhigey Maalmihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo howlgalo ka sameeyay qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana raashinkaasi uu saarnaa ilaa lix gaadhi oo dhamaantood ahaa kuwa Xamuulka qaada, waxaana ay Maamulka Gobolka Banaadir ee Al Shabaab uu ku gubay deegaanka Gubeydley ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Wakiilka Al Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo Warbaahinta kula hadlay halkii Raashinkaasi lagu gubay ayaa sheegay in Raashinka uu isbedelay islamarkaana ay iska lahayd Hay’adda Cuntada Aduunka ee WFP, isagoo intaasi ku daray in cafis loo fidiyay gaadiidka iyo Darawaladii waday raashinkaasi.
Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Banaadir waxaa uu digniin u jeediyay Ganacsatada gobolka Banaadir isagoo uga digey in gaadiidkooda iyo bakhaaradooda ay ka kireystaan WFP, isagoo intaasi ku daray in ganacsadihii arintaasi lagu arkaa ay u qaadanayaan in uu codowyahay oo ay dili doonaan Ciidamada Al Shabaab, islamarkaana ay kala waareegi doonaan Bakhaarka ama gaadiidka uu leeyahay sida uu carabka ku dhiftay.
Sheekh Cali Maxamed Xuseen Wakiilka Al Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale digniin u diray ganacsatada haatan bakhaaradooda ay ku xareysanyihiin cuntooyinka hay’adda WFP, isagoo ugu baaqay in raashinka ku jira bakhaaradooda ay ku wareejiyaan Al Shaabaab hadii kalana ay talaabo ka qaadi doonaan.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ay Raashinkani u badnaa Gallay iyo Boorash, kaas oo si weyn ay ugu baahnaayeen barakacayaasha ku dhibaataysan dulleedka magaalada Muqdisho, iyagoo aan haysan wax raashin ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM oo kooxaha Muqdisho ka dagaalamaya ugu baaqay inay ixtiraam bisha Ramadaan oo ay joojiyaan dagaallada
Muqdisho, Somalia, August 21,2010 (Saxafi)- Afhayeenka ciidamada Nabad ilaalinta ee Amisomy ee Afrikaanka ayaa islaalimiyiinta ah ee dagaalka ka wada Somalia ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan oo ay ixtiraamaan bisha Ramadaan.
Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika Gaashaanle sare Bariijiya Bahuuko oo shalay warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa ururada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ka codsaday inay joojiyaan dagaalada ay ku hanjabeen bisha barakeysan ee Ramadaan inay ku qaadayaan fadhiisimaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda ku meelgaadhka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa tilmaamay in bishani tahay bil mudan in laga faa’iideysto, loona baahan yahay in dhinacyada dagaalka kula jira dowladda ku meel gaadhka iyo ciidamada Midowga Afrika in dagaalada ay si sharuud la’aan ah ku joojiyaan.
Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “ Waa bil ramadaan, Ramadaana waa bil cibaado ma’aha in laga taliyo dhibaato iyo shaqaaqo dadka saameeya, taas bedelkeeda waxa haboon in dadka la taageero si ay u cibaadeystaan, waxaa jira dad aan afurka iibsan Karin, waxaana ku baaqaynaa in lajoojiyo dagaalka, ma’aha kuwa natiijo keenaya, waa in la xurmeeyaa Ramadaan”
Gaashaanle Bariijiya Bahuuko Afhayeenka Ciidamada midowga Afrika waxa uu sheegay in hadii Xarakada Al Shabaab iy Ururka Xisbul Islaam ay isku dayaan in weeraro ay ku soo qaadaan fadhiisimaha ciidamada Midowga Afrika ay kala kulmi doonana talaabooyin ay kaga hor tagi doonaan, isla markaana ay si difaaci doonaan.
Afhayeenka AMISOM ee Muqdisho waxaa uu dhinaca kala faah faahin ka bixiyay 40, kun oo askari oo ay dhawaan dalbadeen saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya si ay gacanta ugu dhigaan guud ahaan wadanka Soomaaliya, isagoo sheegay in ujeedada laga leeyahay ciidamadaasi ay tahay sidii ay nabad ugu soo celin lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM waxaa uu carabka ku dhuftay in 8-da kun ee askari ee loo qorsheeyay Soomaaliya, aanay waxba ka qaban Karin Xaalada dalka Soomaaliya maadaama sida uu sheegay AL Shabaab ay u soo qul qulayaan dagaalyahano shisheeye oo ka yimid wadamada Ciraaq, Bakistaan iyo Afganistaan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *