images/stories/dr.xuseen.jpg Hargeysa (ANN) Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr, Xuseen Maxamuud Maxamed(Xuseen Xoog) ayaa sheegay in deegaanka qool-caday oo ka tirsan gobolka Maroodi jeex uu xanuunka shuban biyoodku ka dilaalacay, isla markaana uu xanuunkaasi soona ritay 12 caruur ah, kuwaas oo laba ka mida ahi  ay u dhinteen.

Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu caawa siiyey Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable Tv, kaas oo uu  kaga  waramay in xilli roobaadku uu ku soo beegmay bisha ramadaan ee baraykasan, isagoo xusay  inay talaabooyin hor leh oo ku wajahan sidii looga hortegi lahaa shuban biyoodka ka qaadayaan xilligan wasaarad ahaan.
 “Xanuunka waxa markii hore lagu arkay oo uu ka bilaabmay tuulada la yidhaahdo Qool-caday oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex ee degmada Hargeysa ilaa 12 caruur ah ayuu ku soo booday shuban deg deg ah, Laba ka mid ahi way dhinteen.
 
Markaa Tiim ka tirsan gobolka ayaa u gurmaday oo aanu u dirnay, maantana koox kale oo Hay’adihii samo-falka ayaa tagay UNICEF, WHO, World Vision iyo dhamaan iyo Wasaarada Caafimaadka ayaanu dirnay si ay u soo qiimeeyaan xaalada.” Ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xanuunka shubanka lagu arakay deegaamada xeebta galbeedka, isagoo yidhi,
“Waxa kale oo jirta magaalooyinka Lawyo-cado iyo Saylac, gaar ahaan magaalada Lawyacado waad ogtihiin oo waxa mara xadka markaa dadka ka imanaya  Jabuuti ee soo xagaa baxaya iyo kuwa halkan ka tagaya ee Jabuuti ku socda oo u badan dadka Xamar ka soo qaxa ayaa muddada ay joogaan banaanka oo ku saxarooda, taasina waxay keentaa in wakhtiga roobku da’o uu shuban ka dilaaco mana aha markii koobaad ee horena wuu uga dilaacay halkaana 13-qof ayaa shubmay ilmo ka yar Hal sano oo la soo dhigay Saaka gelinkii dambe ee maanta ayuu dhintay intii kale iyagu waa ladan yihiin.”
 
Dr. Xuseen isagoo ka sharaxaya sababta xanuunka shubanka xiligan loo arkay, waxa uu yidhi, “Sababta shubanku ka dhashay waxa weeyaan Balliga laga cabo ee deegaanka oo magaaladu ku soo dhawaatay iyo isaga oo agtiisa lagu saxaroodo, biyaha ku dhacaana aanay nadiif ahayn,  markii  ay biyuhu galeen ee laga cabay ayuu dhashay shubanku, kiina waa la joojiyay in laga cabo oo dadkii deegaanka waa laga wacyi-geliyay.dhinaca Lawyo-cado iyo Saylac waxaanu u dirnay kooxo kuwaasoo galabta ka baxay gobolka Awdal,  waxayna ka koobnaayeen Hay’adaha samafalka ee gobolkaasi ka hawl-galka iyo wasaarada iyaga oo sita kitkoodii iyo qalabkii lagu xakamayn lahaa shubanka. Saylac iyadana 12 qof ayaa lagu soo sheegay inay shubmeen oo dad waawayn u badan, laakiin wax u dhintay lama sheegin.”
Wasiirka wasaarada caafimadka Dr. Xuseen wuxuu todbaadkii hore ku dhaawaqay maalin uu ugu magac daray maalinta ololaha caafimaadka, waxaanu sheegay inay jireen goobo  hore oo ay nadaafadoodu aad u liidatay, isla markaana waxa uu sheegay inay mabnuucayaan gobahaa si aanu xanuunkaa iyo kuwo kale uga dilaacin.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *