images/stories/gaadhiga lagu qabtay waxyaabaha qarxa.jpg Hargeysa (ANN)Ciidamada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay gacanta ku dhigay saddex nin oo mid ka mid ahi  dhaawac yahay iyo Baabuur ay wateen oo ay saarnaayeen alaaladaha loo isticmaalo qaraxyada, kaasoo laga qabtay badhtamaha Suuqa Caasimadda Hargeysa.

Nimankaa iyo Gaadhi Bas ah oo noociisu yahay  TATA , isla markaana lambarkiisu yahay 37057 Sland  oo ay wateen  saddex Nin oo mid ka mid ahi ka dhaawacmay  Sararta Bidix iyo lix Boosh oo ah kuwa dhexda lagu xidho oo ay ka buuxeen walxaha Qaraxyada ismiidaaminta ah lagu fuliyo,  ama lagu guro aaladaha qarxa. Mar aannu xalay isku daynay inaannu arrintaa wax ka waydiinno Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaanay noo suuragalin inaannu helno, Hase-yeeshee, Saraakiil Booliska ka tirsan, ayaa Wargeyska Hargeisa Star u xaqiijiyey, inay Boolisku gacanta ku dhigeen saddex nin oo Gaadhigaas watay oo mid ka mid ahi dhaawacan yahay iyo lix Boosh oo waxyaabaha qarxaa ka buuxaan oo ah nooca dheda lagu xidho.
Saraakiisha Booliska ee Wargeysku la xidhiidhay, ayaa sheegay in ninka dhaawaca ahi ku dooday inuu ku dhaawacmay Toorri lagu dhuftay dhawaan isaga oo jooga magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland, hase ahaatee, waxay Saraakiishu sheegeen in dhaawaca ninkaas qabo oo ka soo gaadhay Feedha dhinaca Bidixda aanu u eegayn mid Toorriyeed, balse uu u muuqdo inay Xabadi ku dhacday, sidoo kale waxay sheegeen in baabuurka baska ahi uu sitey lambar kale oo ah 24744 puntland somaliya.
Warku waxa uu intaa ku daray in Saddexdaa nin, gaadhiga ay wateen iyo aaladaha lagu qabtayba ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamada C.I.D-da, kuwaasoo baadhitaan ku wada xaqiiqooyinka ujeeddada nimankaas iyo hubka ay siteen ku socdeen iyo halka ay ka soo kicitimeen. Iyada oo laga shaki qabo inay nimankaasi ka mid yihiin Jabhadda ka dagaallanta deegaannada Galgala ee Bariga fog ee Gobolka Sanaag oo ay dhalasho ahaan sadddexda ninba kasoo jeedaan.
Source:Wargeyska Hargeisastar

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *