Faallo
images/stories/kulanka madaxweynaha iyo wefdiga safaarada britain.bmp Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda safaarada Britain ee Adis-ababa. Sida lagu sheegay war saxaafadeed kulankaa kadib kasoo baxay dhinaca qasriga madaxtooyada, kaas oo  uu ku saxeexnaa Af-hayeenka uu Madaxweynuhu dhowaan u magcaabay xilkaa C/llaahi Daahir Cukuse.

Qoraalka war saxaafadeedka waxa ku lifaaqnaa sawiro muujinaya kulanka iyo muuqaalka dadkii ka qayb galay, balse waxa yaab noqotay sababta war saxaafadeedka loogu xusi waayay madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan  Seylici  iyo  masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada sida wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda oo ka muuqda sawirka ay  xafiiska madaxweynaha ku wada galeen wefdiga safaarada Britain.
Dad badan ayaa is weydiin kara waa maxay sababta qoraalka kulankaa ka dib Af-hayeenku kasoo saaray meela ugaga xusi waayay masuuliyiinta kale ee madaxweynaha kulankaa ku weheliyay sida ku xigeenkiisa iyo wasiir xigeenka arrimaha debeda, taas oo abuuri karta dood iyo falanqayn gaara, isla markaana habdhaqanka war saxaafadeedka noocan ah ayaa nqonaya  kii ugu horeeyay ee noociisa ah inta la xusuusan yahay ee kasoo baxa madaxtooyada ee kulan ay masuuliyiin madaxweyne ku xigeen iyo wasiiro ka tirsan xukuumadu kala qayb galaan Madaxweyne oo aan lagu xusin inay xataa goob ka ahaayeen masuuliyiin noocaa ahi.

 

 

 

 

Afhayeenka dhowaan uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magcaabay hawsha culus ee madaxtooyada wuxuu ahaa mid ay magcaabistiisa saxaafadu inta badan ka gaws qabsatay, sababo badan awgood, isla markaana waxay suxufiyiinta qaarkood durbadiiba tilmaameen magcaabista Af-hayeenku in aanay ahayn mid lagu qanci karo sababo farta lagu fiiqay, balse Madaxweyne siilaanyo ayaan dheg u dhigin tilmaamaha la doonayay in lagu toosiyo ee magcaabista Af-hayeenka, iyadoo dad badani xusuusan yihiin in aanay warsaxaafadeedyada tan iyo markii masuulkaa xilka loo magcaabay kasoo baxay Madaxtooyada ay u muuqdeen kuwo majaro habawsan oo aan ka turjumayn milgaha iyo karaamada madaxtooyada oo ah muraayada qaranka.
Tusaale ahaan wefdigii u horeeyay ee tan iyo markii Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Siilaanyo xilka loo dhaariyay dabayaaqadii July 2010 yimi dalka 1 August   oo ka socday Qaramada Midoobay iyo Baanka aduunka, ayuu kasoo saaray war saxaafadeed Af-hayeenku, isagoo nuxurku ahaa sidan;- ” Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL, Mudane, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Cusub  ayaa Maanta Gelinkii Hore Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha  Bini-aadminimada ee Somaliland /Somalia iyo Jaraj  Chopra oo ah madaxa World Bank ee Somaliland, Somalia iyo Eritrea.”
Dad badan ayaa durbadiiba saluugay qaabka aan waafaqsanayn britikoolka qoraalada madaxtooyada ee uu Af-hayeenku uga dhigay ciwaanka wasiirka arrimaha debeda oo madaxtooyada ku qaabilay wefdi, taasuna waxay keentay inay dad badani is weydiiyaan madaxtooyada yaa wax ku qaabila,  ma wasiirka arrimaha debeda,  mise Madaxweynaha oo ay xafiiskiisii tahay, su’aalahaa iyo qaar kale oo badan ayaa ka dhashay war saxaafadeedkaa iyo kuwo kale, balse qoraalka ugu danbeeyay ee shalay kasoo baxay madaxtooyadu wuxuu u muuqdaa mid aan ujeedadiisa la fahmin. Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Axmed siilaanyo waxa laga filayay in aanay xiligan uu xafiiska Madaxtooyada fadhiyo kasoo bixin qoraalo noocan ah oo u muuqda kuwo majara habawsan, kuwaas oo nuxur ahaan loo fasiran karo  wanjal siyaasadeed oo meel ka dhac ku ah Madaxtooyada iyo madaxda qaranka ee ku sugnaa kulankaa oo leh mudnaantooda. Sidaa awgeed waxa la gudboon madaxtooyada in baadhitaan lagu sameeyo fadeexada qoraalkaa warsaxaafadeedka ay ku sunatanayd. 

 


By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *