Hargeysa(ANN)Wasiirkii Maaliyadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo   Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo Madaxweynaha Somaliland saaka  u gudbiyay  qoraal uu  xilka iska casilay, isla markaana  uu Maxweyne Siilaanyo ka aqbalay, balse aan si rasmi ah loo shaacin   ayaa wax iska bedeleen. Kadib

markii  caawa qasriga Madaxtooyada kulan gaar ahi ku dhexmaray  Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa doonayay inuu is casllo.

Wadahadladaa oo ahaa kuwo dhexmaray Madaweynaha iyo wasiirkiisa  Maaliyada Eng. Xaashi ayaan natiijadooda la shaacin, balse warar xog ogaal ah ayaa u sheegay  Araweelonews inuu Wasiirku ka noqday dalabkii ahaa iscasilaada, isla markaana ay Madaxweynaha isku afgarteen waxyaabihii uu ka taagnaa muranku kuwaas oo aan si cad loo ogalay laakiin lala xidhiidhiyay isku shaandhayn Madaxweynaha u qorshaysan oo si weyn loo hadal hayay mudooyinkii u danbeeyay.
Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan dalabka is casilaada Wasiirka Maaliyadda oo kasoo baxay dhinaciisa. Sidoo kale  Madaxtooyadda Somaliland ayaanay kasoo bixin dhinaceeda  war rasmi ah oo  xaqiijinaya  is casilaada wasiirka ee suuqa soo laysla dhexmarayo  iyo asbaabaha ay la xidhiidha.
Wasiirka Maaliyadda  iyo qasriga Madaxtooyadda oo aanu isku daynay inaanu arrimahaa wax ka weydiino  ayaanay noo suurta gelin inay jawaab ka bixiyaan wararka sheegaya dalabka  is casilaaada wasiirka maaliyadda iyo waxa uu ku dhamaaday kulankaa caawa dhexmaray Madaxweynaha.
Laakiin warar xog ogaal u ah arrimahaa ayaa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay is inuu wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi saaka barqadii u gudbiyay Madaxweyne  Siilaanyo qoraalka is casilaada, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo aqbalay qoraalkaa wasiirka, balse kulankaa caawa uu wasiirku kaga noqday is casilaadii uu gudbiyay. Kadib markii ay Madaxweynaha si gaara uga wada hadleen waxyaabaha  salka u ahaa dalabka wasiirka.
Dhinaca kale dalabka is casilaada wasiirka Maaliyadda ayaa kusoo beeganatay iyadoo la filayo maalmaha soo socda ama, saacadaha fooda inagu soo haya inuu Madaxweyne Siilaanyo daaha ka faydo isku shaandhayn balaadhan oo la hadalhayay mudooyinkii u danbeeyay, taas oo ahayd qorshe dhawr jeer dib u dhacay, balse ugu danbayntii Madaxweyne Siilaanyo kaga soo baaraandegey dhowaan markii uu safarka fasaxa ah ugu maqnaa dalka Britain oo uu jeebka ku sitay markii uu dalka dib ugu soo laabtay, taas oo la filayo inuu shaaca ka qaado xiliyada soo socda oo ay galaafato masuuliyiin baddan oo qaarkood xilkooda ku waayaan.

Qorshaha isku shaandhaynta ee Madaxweyne  Siilaanyo  ayaa kow ka ahaa xilka qaadista todobaadkii hore ee Maareeyihii Dekedda Berbera Axmed  Yuusuf Dirir, kaas oo xilka ku wareejiyay shalay Eng. Cali Cumar  (Cali Xoor Xoor) oo xilka Maareeyaha Dekedda dib loogu magcaabay. Sidaa awgeed is casilaada Eng. Maxamed Xaashi ayaa loo fasiray mid uu kaga hordhacayo qorshahaa Madaxweyne Siilaanyo jeebka ku sitay markii uu dhowaan kasoo laabtay Britain, iyadoo Wasiirka Maaliyadda loo qorsheeyay Dr. Sacad Cali Shire oo ah aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha dhaqaallaha, isla markaana wasiirka maaliyadda Eng. Xaashi loo bedelayo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka. Laakiin ilaa hada ma cada in isku shaandhayntu u qorshaysan Madaxweynaha ay arrimahani wax ka bedeleen iyo in kale, balse waxa la eegaya waxa kasoo baxa marka uu Madaxweyne Siilaanyo shaaciyo maalmaha ama saacadaha fooda inagu soo haya. wixii kasoo kordha wararkaa kala soco araweelonews.com

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *