Hargeysa(ANN)Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud  (Xuseen-xoog) ayaa difaacay tayada  dawooyinka dalka Somaliland lagu isticmaalo ee cabashooyinka iyo saluuga bulshada caadiga ah iyo bukaankuba ka muujiyaan.

Dr. Xuseen waxa uu ku dooday in Dawooyinka Dalka Somaliland lagu Isticmaalo  70% ay yihiin Qaar Tayadooda la Hubo, isagoo xusay inay Shaybaadho Caalami ah ay  soo mariyeen. sidaa awgeed ay wax iska bedeleen fekerkii ay markii hore ka qabeen tayada dawooyinka soo gala Somaliland.

Wasiirka Wasaradda  Caafimaadka Somaliland, waxa uu sidaa  ka sheegay Kulan ay maanta la yeesheen  Guddida Arrimaha Bulshadda ee Golaha Guurtidda, kaas oo uu warbixin kaga siiyey hawlaha Caafimaad ee Wasaaradiisu ugu xil-saaran tahay qaranka, wuxuuna ku dooday inay wax badan ka qabteen wasaarad ahaan arrimaha caafimaadka sida Cusbitaalka weyn ee Hargeysa, isagoo yidhi, “Cisbitaalka guud shaqadiisu way fiican tahay, waxaanan aaminsanahay in saacad kasta dhakhtar laga heli karo, waxaanu bilaash ka dhignay qaliinka hooyooyinka, waayo waxaynu nahay wadanka shanaad ee ugu badan dhimashada, markaa wax kasta oo keenaya in hooyadu guriga ku raagto oo dhaqaaluhu ka mid yahay waanu qaadanay, waxaana dhakhtarta weyn jooga afar dhakhtar, laba ruush ah iyo laba Somali ah oo mushaharkooda la siiyo”Ayuu yidhi.

sidoo kale wuxuu sheegay inay wax ka qabteen adeegyada caafimaadka cusbitaalka weyn ee Hargeysa, balse aanay deegaanada gobolada iyo degmooyinka wax badan ka qaban, isagoo tusaale usoo qaatay  gobolka Sool iyo deegaamada bariga sida Buuhoodle oo ay duruufo u saamixi waayeen inay wax ka qabtaan.

Dr. Xuseen kuma xusin warbixintiisa xaaladaha dhinaca adeega caafimaad ee ka taagan gobolka Sanaag iyo deegaamada la xidhiidha oo si weyn looga dayriyo adeegyada caafimaadka oo aan gebi ahaanba jirin, isla markaana aanay xukuumadda oo laga filayay inay wax ka bedesho duruufaha hadheeyay dadka deegaanka sanaag oo ah ka ugu balaadhan dalka, isla markaana aanay waxba ka qaban dhinacyada adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada aasaasiga ah, kuwaas oo aanay ilaa hada wasaaradda caafimaadka iyo wasaaraddaha kale midna waxba ka bedelin xaalada ka jirta.

Wasiirka Caafimaadku wuxuuna ku dooday inaanay deegaanadaa barigu ahayn kuwo ay Hay’adduhu gaadhi karaan, taas oo uu sabab uga dhigay inay wax ka qabtaan baahida adeega caafimaad ee jirta, isagoo yidhi, “Hay’adda ayaanu adeegsanaa, hay’addii-na  markay imanayaan Dalka waxbaa loo soo sheegay markaa, runtii dhib-baa halkaa naga haysata, laakiin Mashaariicda horumarineed ee Caasimaadda kama samayn karno, waayo waxay doonayaan hay’adduhu meesha ay Lacagtoodu ku bixdo inay tegi karaan oo ay soo eegi karaan wixii ay Lacagtoodu tartay,  ama ay Khuburo u soo diri karaan , marka halkaasi  amaan maaha loogu sheego dib bay uga laabanayaan, runtiina Gobolkaa wax weyn kamaanan qaban” ayuu yidhi.
Dr. Xuseen waxa uu sheegay in ay Goleyaasha sharci dejinta hor keenayaan Xeer xakamaynaya dadka ku shaqaysta Xirfadaha Caafimaadka, kaas oo uu sheegay inuu kasoo gudbay golaha wasiiradda, isla markaana golayaasha sharci dejinta la hor keenayo, wuxuuna ku dooday in xeerkaasi yahay kii qaban lahaa dhakhtarka gabood falka ku sameeya bukaanka, ama neeraska ee gudan waaya xilkii iyo waajibkii saarnaa ee xirfadiisa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *