Hargeysa(ANN)Golaha wakiiladda Somaliland ayaa meel mariyay xeerkii ugu horeeyay ee loo sameeyo Hay’adda sirdoonka qaranka, kaas oo mugdiga ka saaraya hawlaha ay qaranka u qabato Hay’addaasi iyo qaab dhismeedkeeda.

Fadhigii golaha wakiiladda Somaliland ee maanta oo ay soo xaadireen 42-Mudane, waxa  gudoominayey Baashe Maxamed Faarax oo ah  gudoomiye xigeenka kowaad ee golaha, waxaana markii mudanayaasha cod loo weydiiyay xeerkaa, iyadoo ay  meel marinta  xeerkaa  Ogolaadeen 34 mudane, 5 mudane ayaa diiday, waxaana  ka aamusay 2 mudane, Gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaana waxa ku ansaxay xeerka sirdoonka Qaranka JSLand xeer No, 59/2012.

Xeerka sirdoonka Qaranka oo noqonaya xeerkii ugu horeeyay ee ay Hay’adda sirdoonka qaranku yeelato intii ay Somaliland jirtay, iyadoo marar badan su’aalo ka dhasheen qaabka ay u shaqayso hay’adda sirdoonku maadaama aanay lahayn xeer tilmaamamaya shaqadeeda iyo waxa ay qaranka u qabato, waxayna ansixinta xeerkan oo mudo golaha horyaalay meesha ka saaraysaa su’aalaha ka taagnaa dhismaha hay’adda sirdoonka qaranka Somaliland.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *