http://www.somaliland.org/images/b/2012/10/marxuum-cabdilaahi-siciid-dheere.jpgBerbera(ANN)Guddoomiye Ku xigeenkii sadexaad ee Urur siyaasadeedka WADDANI Cabdillaahi Siciid Ismaaciil (C/Laahi Siciid Dheere), ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay tuuladda Abdaal ee u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Shilkaa waxa kale oo  ku dhaawacmay laba masuul oo kala ah Guddoomiye Ku xigeenka afraad ee WADDANI Cabdi Raygal Beegsi oo dhaawaciisu fudud yahay iyo Xildhibaan Cali X. Maxamed oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda, isla markaana  ka mid ah Gudida fulinta ee Ururka WADDANI.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah Alle ha u naxariistee Guddoomiye Ku xigeenkii sadexaad ee Urur siyaasadeedka WADDANI oo dhaawac culus ahaa ayaa  ku geeriyooday jidka intii aan la gaadhsiin cusbitaalka Hargeysa, balse labada masuul ee kale ayaa dhaawacooda la gaadhsiiyay Cisbitaalka Hargeysa, halkaas oo lagu dawaynayo.
Sarkaalka  geeriyooday iyo labada masuul ee dhaawacmayba waxay ku sii socdeen soo dhawaynta Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, isla markaana ah gudoomiyaha  Urur siyaasadeedka WADDANI,  C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi oo kasoo degayay madaarka Magaalada Berbera ka dib markii uu socdaal muddo qaatay ku tagay dalka Ingiriiska.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *