Virginia (ANN)Maxkamadda bariga Degmada Virginia ee dalka Maraykanka ayaa go’aamisay in aanu xasaanad siyaasadeed lacayn Gacan ku dhiigle Maxamed Cali Samatar oo loo haysto kaalintii uu ka qaatay xasuuqii taliskii Siyaad Barre ka gaystay gobolada Somaliland, sannadiihii 1980 ilaa 1991-kii.

Maxkamaddu waxay laashay qoraal lagaga dalbanayay in aanay ku xadgudbin karaamadda Cali Samatar oo xilal sare ka hayay dowladdii Soomaaliya ee burburtay sannadkii 1991-kii, isla markaana ah masuulka ugu awooda badnaa xiligaa marka laga reebo Maxamed Siyaad Barre oo dhintay.
Maxkamaddu waxay 14-kii bishan soo saartay go’aan ay ku sheegtay in Cali Samatar lagu maxkamadayn karo dalka Maraykanka, isaga oo shakhsi ah, isla markaana aanu lahayn haba yaraatee wax dhowrsanaan masuuliyadeed iyo mid siyaasadeed toona  oo ka hor istaagaya in caddaaladda la hor keeno. Go,aanka maxkamadda ayaa daba socday qaraar ay hore maxkamakaddu uga soo saartay laba sannadood ka hor, balse qareenada u doodaya Gen. Cali Samatar ayaa rafcaan ka qaatay go,aankaa hore, taas oo ay maxkamaddu mar kale go,aan kasoo saartay, kuna aqbashay in kiiska Cali Samatar lagu qaadi karo dalka Maraykanka.
Maxkamaddu waxay gaashaanka ku dhufatay qoraal ay maxkamadda u gudbiyeen masuuliyiinta dowladda Sheekh Shariifka Soomaaliya, kaas oo ka dalbanayay in la joojiyo dacwaddaasi loo haysto Ninkaas oo ay sheegeen in uu yahay siyaasi xasaanad mudan. waxaanay maxkamaddu sheegtay in aanay aqoon sanayn wax la yidhaahdo Dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya (TFG). halka xukuumadda Somaliland-na ay ku guulaysatay olole ay u gashay in maxkamadda la soo taago Maxamed Cali Samatar, oo ka gaystay Somaliland Xasuuq ba’an, isla markaana ahaa ninkii amarka ku bixiyay duqayntii iyo diyaaradihii sida arxan daradda ah u garaacay magaalooyinka Hargaysa Burco.
Maxkamadaynta Cali Samatar ayaa guul u ah shacbiga Somaliland iyo dhibanayaashii xasuuqaasi ka badbaaday iyo eheladda dadkii ku naf waayay xasuuqaasi xiligii Taliskii Milateri ee Maxamed Siyaad Barre.

Cali Samatar waxa uu dalka Maraykanka ku noolaa ilaa iyo sannadkii 1997-kii, waxaanu dawladdii kali taliska ahayd ee Siyaad Barre ka soo qabtay xilalka Madaxwayne ku xigeenka Koowaad iyo wasiirka Gaashaandhiga.

Dhinaca kale Dacwadda lagu oogayo Gen. Cali  Samatar waxaa ka mid ah dhibanayaasha daba socda  ee  maxkamaddu sheegtay Baashe Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa kumanaan u dhashay Somaliland oo taliskii Maxamed Siyaad Barre u geystay Tacadiyo, Jidh dil, xasuuq iyo xadhig, waxaana la filayaa in marka la bilaabo dhagaysiga dacwada Cali Samatar in Somaliland laga soo qaadi doono dad kamid ah markhaatiyada Cali Samatar ku oogi doona masuuliyaddii uu ku lahaa xasuuqaa loo geystay dhawr iyo sideetanaadkii kumanaan qof oo u dhashay Somaliland. Iyadoo la hayo  hadalo Cali Samatar ku qiranayo inuu bixiyay amarkii lagu duqeeyay magaalada Hargeysa oo laga baahiyay idaacadaha reer galbeedka qaarkood, taas oo keentay inay dhibaatooyin xasuuq u geystaan haweenka iyo maatadii ku nolaa xiligaa magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo meelo kale.

Dacwada  Cali Samatar ayaa soo jiitamaysay tan iyo bilawgii 2003, isla markaana maaha markii u horaysay ee sidan oo kale ay dawladda taagta daran ee Somalia qoraal sidan oo kale ah kaga dalbato maxkamadda lagu qaadayo dacwadaa in la joojiyo iyagoo ku doodaya inuu yahay masuul haysta xiisaanad. Sidaa awgeed aan la maxkamaddayn Karin, waxayna dawladii C/llaahi Yuusuf 2005 sidan oo kale qoraal u qortay Maxkamadda, kaas oo ay ku dalbanaysay in la joojiyo kiiskaa, balse qoraalkaa hore oo uu gudbiyay wasiirkii C/llaahi Yuusuf u qaabilsanaa Arrimaha debeda, kaas oo ay xoghayihii arrimaha debeda ee maamulkii Madaxweyne Bush Mss, Rice kaga jawaabtay in aanay fara gelin Karin maxkamaddaa.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@raweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *