Hargeysa(ANN)Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan  ayaa caawa caweyskii ku godoomay Cusbitaalka Edna Aden ee ku yaal Waaxda Axmed Dhagax ee Koonfurta Magaalada Hargeysa. kadib markii kooxo dhalinyaro ah oo maqlay booqashada wasiirka ay isa soo

 

dhoobeen barxada hore ee Cusbitaalka, kuwaas oo dalbanayay in lasoo saaro wasiirka.
Booqashada Cusbitaalka ee Wasiirka ayaan si cad loo ogayn ujeedadeedeeda, iyadoo uu la socday Taliyaha gaadiidka Madaxtooyada  Abshir,  balse waxa loo malaynayaa inay la xidhiidhiyay booqashadiisu dhallinyaradii ku dhaawacantay rasaastii ay ciidamada Boolisku ku fureen toddobaadkii hore dhalinyaro ka mudaharaaday natiijada doorashada ee degmada Hargeysa oo lagu dhawaaqay. laakiin warar kale ayaa sheegaya in sababta  wasiirku u booqday cusbitaalka ay ahayd xaaskiisa oo ummulaysay, taas oo uu geeyay halkaa.

Dad goob joog ah ayaa u sheegay shebekada Araweelonews inay adkaatay sidii  Wasiir Xirsi uga bixi lahaa cusbitaalka Edna, iyadoo laga cabsi qabay inay dhalinyarada cadhaysani waxyeelo u geystaan wasiirka, balse Marwo Edna ayaa isku dayday inay dhalinyaradaa ka dareeriso afaafka cusbitaalka, taas oo suurta gal noqonweyday, waxaana wararka la xidhiidha booqashada wasiirka ee cusbitaalku sheegayaan in markii danbe si qarsoodi ah looga saaray albaab kale oo aanay dhalinyarada ku sugaysay afaafka hore ogayn, kuwaas oo mar danbe ogaaday in wasiir Xirsi looga saaray Cusbitaalka si qarsoodi ah, iyagoo ka dibna ka dareeray barxada cusbitaalka markii ay xaqiisadeen inuu ka baxay albaab kale.

Arrintan ayaa la rumaysanyahay inay jawaab u noqotay aamuska xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka aamustay mudaharaadka rabshadaha watay ee ay ku dhaawacmeen dhawr dhalinyaro ah, isla markaana ay ku nafwaayeen qaar kale, iyadoo dhlinyarada xaafada Axmed Dhagax mudo dheer si weyn u taageeri jireen xisbiga Kulmiye ee uu xiligii mucaaradka hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo. ka hor intii aanay dhalinyaradaasi taageeradooda u wareejin Ururka Xaqsoor ee uu hogaamiyo Muj. Xasan Ciise Jaamac.
si kastaba ha ahaatee dhacdada lagu godoomiyay Wasiirka awooda badan ee Xirsi, ayaa ah mid ku cusub dhacdooyinka siyaasada Somaliland, taas oo ah tii ugu horaysay ee sidan oo kale masuul booqday cusbitaal ay dad dhalinyaro ahi ku horjoogsadaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *