Hargeysa(ANN)Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyay  natiijada rasmiga ah ee magacyada  xubnaha kusoo baxay doorashada deegaanka ee Degmada Hargeysa, taas oo ay hore u shaaciyeen, balse isbedel lagu sameeyay. kadib markii khaladaad kasoo baxay

 

natiijada ku meelgaadhka ahayd ee  ee ay hore ugu dhawaaqeen.

Sidaana waxa lagu shaaciyay xalay barta Internet-ka ee Komishanku ku leeyihiin dhinaca internet-ka, iyadoo natiijada danbe ee ay soo saareen komishanku meesha ka saartay laba Xubnood oo hore loogu sheegay inay kusoo baxeen liiska xubnaha golaha deegaanka ee Hargeysa, kuwaas oo ka soo kala jeeda ururadda DALSAN Iyo RAYS oo markii hore Komishanku shaaciyeen inay soo baxeen oo ay ka mid yihiin xubnaha 25-ka ah ee golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa.

Natiijada rasmiga ah ee kasoo baxday komishanka doorashooyinka qaranka ee isbedelka lagu sameeyay  tiradada codadka Ururada iyo axsaabtu kala heleen  iyo liiska 25-ka Xildhibaan ee Golaha cusub ee deegaanka Hargeysa ayaa u dhinaa sidan:-

Ummadda

1. Axmed Cali Haybe (3782 cod)

2. Khaalid Cabdi Cawad Abyan (2947 cod)

3. Mustafe Cismaan Daahir (2860 cod)

WADDANI

1. Maxamed Warsame Caalin Timacade (5311 cod)

2. Cabdiqani Yuusuf Cabdillaahi Ina Macalin (2967 cod )

3. Cabdillaahi Aadan Cali Cabaas (2900 cod)

4. Cabdirisaaq Faarax Xasan Qawdhan (2605 cod)

KULMIYE

1. Hanad Xaashi Axmed Caydiid (4588)

2. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco (4089)

3. Cismaan Xasan Faarax Waxar (3667 dhibcood)

4. Eng. Yuusuf Warsame Siciid (3651 Dhibcood)

5. Axmed Siyaad Muxumed (3611 cod)

6. Cabdi Cali Yuusuf (3050 cod)

7. Axmed Daahir Axmed Magan (2643 cod)

XAQSOOR

1. Saleban Daahir Cabdillaahi Dogox (4504 cod)

2. Cabdillaahi Aw Aadan Maxamed (2777 cod)

3. Cabdillaahi Siciid Faarax (2688 cod)

4. Deeq Ducaale Cismaan (2348 cod)

RAYS

1. Ismaaciil Jaamac Xirsi Cabdi (Cagayare) (1764 cod)

DALSAN

1. Cabdicasiis Aadan Habane (2666 cod)

2. Ilyaas Aw Xuseen Jaamac (2027 cod)

UCID

1. Maxamed Aw Aadan Weyrax (4465 cod)

2. Khadar Ibrahim Axmed Maax (3514 cod)

3. Cabdicasiis Maxamed Xaashi (3000 cod)

4. Maxamed Cabdi Aadan (2263 cod)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *