Hargeysa (ANN) Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta xilkii ka qaaday xoghayihii Dawlada hoose ee hargeysa, isla markaana xoghaye cusub magacaabay. Sidaana waxa lagu sheegay digreeto kasoo baxaday xafiiska  wasaaradda arrimaha gudaha  Somaliland,

 taas oo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose  
ugu magacabay  hoghayaha dawlada Hoose ee hargeysa Deeq Xirsi Xujaale, kaas oo  bedeli doonaa xoghayihii hore ee dawlada hoose ee magaalada Hargeysa   Maxamed  Aw  Aadan  Weyrax.
wasiirku wuxuu faray kusimaha duqa ahna ku xigeenka duqa caasimada Maxamed C/laahi Uurcade in sida ugu dhakhsaha badan ugu kala wareejiyo xilka masuuliyiintaa, isagoo xoghayihii  hore oo ku amaanay mudadi u xilka hayey sida wadaniyada leh ee uu u gutay wajiibabkii qaran
wax kale oo wasiirku kula dardaarmay xoghayaha cusub inuu halkaa ka sii anba qaado hawsha qaranka ee lo igmaday, isagoo ku booriyay xoghayaha qabyo tirka hawlaha horyaala ee dawlada hoose.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *