-
Published On: Sun, Aug 29th, 2010

Koox Aqoonyahan Ah Oo Ugu Baaqay Madaxweyne Siilaanyo Inuu Fuliyo Balanqaadkii Furista Ururada Siyaasada Iyo Dareenka Laab La Kaca Bayaankooda

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa (ANN) Koox ka mid ah  aqoonyahanka Somaliland ayaa ku baaqay in la soo horumariyo doorashada Golayaasha Deegaanka oo mudnaanta la siiyo, isla markaana ka dalbaday Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] inuu ka dhabeeyo balanqadkiisi ahaa inuu furo Ururada Siyaasada.
Sidaana  waxa lagu sheegay

 bayaan ay shalay soo saareen koox ka mid ah aqoonyahanka Somaliland oo uu ku saxeexan-yahay  Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

 
Bayaankii oo dhameystiran waxa uu u dhignaa sidan:-
 
“Kooxdu waxay ku bogaadinaysaa Komishanka in ay arinkan soo bandhigeen si ummadda iyo hay’adaha ku shaqada lihi uga doodaan go’aanna uga gaadhaan. Waa in jawaab cad loo helaa arrinkan:
1. Labada doorasho ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada tee la soo harraysiiyaa? Doorashadii la soo hormariyaaba waa maxay saamaynta ay ku yeelanayso arrimaha kale ee siyaasiga ah ee dadku sugayaan in xal laga gaadho oo ay ka mid tahay: in ururro siyaasi ah oo cusub la furan karo ama saddexda xisbi ee hadda jira oo keli ahi tartamaan. Waxa iyana suaal taagan ah, dadweynuhu maanta adeegayada uu degaanadooda uga u baahan yahay, kee mudnaanta u leh in ay doortaan baarlamaan dawladda qaran iyo in ay doortaan golihii degaankooda?
Haddaba Kooxda Aqoonyahanka Madaxa-banaani waxay ku talinayaan:
1.       Mudnaanta kowaad muwaaddiniintu waa inay adeegyo bulsho, dhaqaale iyo dhaqanba ka helaan gole deegaan oo uga dhow, ugana fara dhuudhuuban baahiyo-maalleedkooda oo ay ka mid yihiin sidii ay u heli lahaayeen,biyo nadiif ah, qashinka oo laga guro, waddooyinka oo laga hagaajiyo, ciidda iyo godadkana xal lagu maareeyo loo helo, sidii iskuuladooda iyo malcaamadaha caruurta wax lagu baro   loo daryeeli lahaa looguna dhisi lahaa qaar ku filan, daadka iyo fatahaadaha looga moosi  lahaa, masaajidadooda loogu daryeeli laha, garoommo carruutu ugu ciyaarto loogu samayn lahaa, sayladaha xoolaha sidii biyo, baad iyo nadaafadba loogu samayn lahaa, dukaamadooda iyo suuqyada ganacsi sidii bilicsami loogu yeeli lahaa, sidii danyarta loo taakulayn lahaa, intaa iyo in ka badaniba waxay toos uga sugayaan dawladda degaanka.
Haddaba waxay Aqoonyahanka Madax-banaani u arkaan, in degdeg loo soo hor mariyo loona doorto golayaasha degaanka oo aan waqti dambe dib loo riixin. iyadoo wakhtigoodii ilaa saddex sano muddo dhaafsanyahay, waxaanay hadda ku fadhiyaan  sifo aan sharciga waafaqsanaayn, iyadoo kordhintii Guurtidu samaysay 2007kii, oo lix bilod ahayd ay wakhti hore dhammaatay.
2.       Haddii Golaha Degaanka la soo horraysiiyo, waxa iyana inoo suuro gelaysa in urruro cusubi furmaan, iyadoo labadu isku xidhanyihiin.  Waxay kooxda Aqoonyahanka Madax-banaani si xishmad leh ugu baaqaysaa Madaxaweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), inuu ballan qaadkiisii uu dadka u galay ee in badani ugu codaysay uu fuliyo. Waxaannu leenahay waxaad ummada ka dulqaadaysaa culays iyo khilaaf kala qaybiya bulshada oo hadduu si jitamo qawaaqib xumo keeni kara. Xalka arrinkaasu wuxu tubta toosan ku hagaajinayaa dimqraadiyadda ay dadka Somaliland dhisayaan. Waxa taagan maahmaahda soomaliyeed ee “milil korkii lama dhayo”.
3.       Waxay Kooxda Aqoonyahanka Madaxa Banaani leedahay, inooma cusba ururro badan oo tartamaa waataynuna galnay inaga oo intan ka itaal iyo waaya-aragnimaba yar. Wax laga soo kabanwaayo oo inagu dhacayna ma jirin guul iyo durduro ayaynu kaga gudubney, kuna kala saarnay ururradii tartamayey.
4.       Haddii qodobada ay KDQ walaaca ka muujisay aan ka jawaabno, waxay Kooxda Aqoonyahank Madaxa Banaani qabaan in Distuurka, shuruucda jirta iyo waayo-aragnimadeenna looga gudbi karo arrimaha ina horyaal.
–          In ururro badan oo aan lamaamuli karini is diiwaangeliyaan: Waxaannu leenahay doorkii horeba may iman dhibaato waayo shuruudaha lagu xidhay awgood ayaanay u dhicin, iminkana shuruuduhii way jiraan, weliba waxaan awood u leenahay in la sii xoojiyo, haddii la isla garto in loo baahanyahay. Sidee ardaa weliba lixda qobol uga keeni karaa dad raacsan oo u buuxiya tirad laga doonayo? Sagaal urur bay dhaafi waayeen 2002dii, oo weliba saddex dhexda ku hadheen. Lix urur oo keliya ayaa u tartamay dorashadii Golaha Degaanka 
–          In ururro xag jir ahi soo bixi karaa: Distuurka iyo sharciga dalka u yaal ayaa markii horena is-hortaagey, iminkana iyagaa loo cuskanyaa; haddii loo baahdana waa la sii adkaynayaa.
–          Kharaj badan baa imanaya:Tusaale kii hore, Somaliland oo aan cidna la kaashan ayaa ku fillaatay; ma iminka oo Deeqbixiyaashu ina taageerayaan ayeynu kharaj uga baqaynaa arrin aayaha ummadda Somaliland wakhti dheer oo soo socda saamayn ku yeelanaysa, dhinacii loo dhigaba? Annagu waxaan qabnaa, MAYA.
5.       Golaha Wakiillada waa la soo doortay. Sidii loo soo doortayna madaxa may qaadin oo iyaga iyo xukuumaddii hore ayaa iskutaagnaa oo wada shaqan kari waayey. Hadda oo la islahaa xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayey si hufan u wada jaanqaadi oo wixii inaga baaqsaday, iyo wixii dawladda Kulmiye inoo balan qaadeen ee dadku ku dooratay ayaa la fulin,ayaynu doorasho kula cararaynaa? Waxa Kooxda Aqoonyahanka Madax-banaani soo jeedinayaan, in ilaa 2 sano loo kordhiyo muddada si ay shuruucda doorashooyinka gole eeinaga qabyada ah u dhammaystiraan xeerarka kale ee muhiimka ahna inoogu qabyo-tiraan.
6.       Kooxda Aqoonyahanka Madax-banaani waxay la qabaan KDQ in aan la israacin Karin doorashada Golaha Degaanka iyo tan Wakiillada sababaha kor ku xusan awgood iyo kuwii ay soo sheegeen Komishankuba.
7.       Kooxdu waxay soo jeedinaysaa in Guddi qaran oo gaar ah loo xulo ururrada si hawshaasi aanay ugu wareerin KDQ, hawlahoodana ugu madaxbannaanaadaan.
Gabagabo:
1. Golaha Degaanka ayaa maanta looga baahi badan yahay in la doorta kan Wakiillada.  Doorashada Golaha Degaanka oo la soo horraysiiyaa waxay inoo suurto gelinaysaa in ay ururro badani tartamaan; waxayna inoo saamaxaysaa kala horraynta doorashooyinka oo la arkay sida tan Madaxweynaha la soo horaysiiyey inaga qasan tahay, siina qasnaan doonta haddaan hadda la saxin.
2. Waxa laga sugayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu dimuqraadiyadda Somaliland tubta toosan ku xagaajiyo, fuliyana go’aakiisii ahaa inuu ururrada siyaasadda furayo oo macnaheedu ahaa inGolaha Degaanka la soo horraysiiyo lana hirgeliyo
3. Walaaca QDQ ee ku saabsan in ururrada la furo, waxaan leenahay, maanta yagleelimaynu oo waannu soo marnay, guulna waynnu ka gaadhnay. Horumarkuna sidiisaa waa in wixii aad ku guulaysato sii horumarisid siina  wanaajisid waayo-aragnimadeenna dhaxalgalka leh.
4. Yeynaan hadda u hanqaltaagin in aynu doorashooyin isxambaarinno.
Kooxda AqoonyahankaMadax-banaan-Kala xidhiidh Dr. Maxamed Cismaan Fadal (4475649)”

Inkasta oo ay kooxda aqoonayahanku ka duulayaan balanqaadkii xiligii ololaha ee doorashada madaxtooyada uu madaxweyne siilaanyo balanqaaday, balse waxa soo jeedinta noocaa ah ka horeeya doodo dhinaca sharciga oo horeba laysugu maan dhaafay qaabka loo furi karo Ururo siyaasadeed iyo nooca ay noqonayaan, taas oo u baahan ama aan ka fursanayayn in golayaasha sharci dejinta la mariyo. Haddiba ay soo jeedinta noocaa ahi ka timaado dhinaca xukuumada, ama tirada muwaadiniinta dastuurku cayimay. Hase yeeshee kooxda aqoonayahanka ahi kuma soo qaadin baaqooda arimahaa iyo dhabada loo marayo furitaanka ururada siyaasadeed. Sidaa awgeed wuxuu u muuqdaa baaqoodu mid jiha habawsan oo lab la kac ah.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

 

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>