Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Mujaahid C/llaahi Askar

Hargeysa (ANN) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka reer Somaliland Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum C/llaahi  Askar, oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii dhinaca Milateriga ee ururkii dib u xoraynta Somaliland SNM.

 

sidaana waxa lagu sheegay
 
Warsaxaafadeed kooban oo kasoo baxay  madaxtooyada, kaas oo  u dhignaa sidan;-  Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii & Asxaabtii uu ka Geeriyooday
MUJAAHID CABDILAAHI ASKAR  Oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa.
 
Madaxwaynuhu wuxu  ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii iyo Dhamaan Shacab-ka Reer Somaliland-na ee uu ka baxay Marxuunku uu samir iyo Iiman ka siiyo.

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published.