Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka mid ah wasiirada ugu dhow dhow Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ka mid ah kooxda awooda badan ee  ka tirsan xukuumadda oo lagu tilmaamo inay ka mid yihiin Urur Diimeedka Islaax ee uu

 

kasoo jeedo Madaxweynaha dhowaan loo doortay Somalia, ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyay inay isaga iyo ragga kale ee lala xidhiidhinayo ururkaa xubno ka yihiin iyo sababta ay shir ugu qabsadeen xarakada Islaax magaalada Hargeysa dhawr bilood ka hor, kaas oo la rumaysan yahay inay ka qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xubno kale oo Somaliland iyo Somalia kasoo jeeda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo shalay ay su’aalo weydiiyeen shalay gudi hoosaadka golaha Wakiilada Somaliland, wuxuu mar uu ka jawaabayay su’aal la xidhiidha shirkaa xarakada ee ka dhacay Hargeysa iyo hadal hore saxaafada looga sii daayay oo uu ku sheegay inay xukuumad ahaan ka badhitaarayeen Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud doorashadiisa iyo sidii usoo bixi lahaa, Balse Wasiir Duur wuxuu dafiray weedhaha saxaafadu hore uga baahisay ee uu ku sheegayay inay ka badhitaarayeen  Somaliland Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Dhinaca kale  Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), wuxuu  isagoo ka jawaabaya su’aasha laga weydiiyay xarakada Islaax sharaxaad u muuqatay taageero iyo niyad uu u hayo xarakadaa  ka bixiyay ujeedooyinkeeda iyo mabaadiida ay aamisan yihiin, isagoo muuqaal qurux badan oo sax ah u sawiray fekerka kooxdaa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,    “Islaax waa urur Salmi ah, waana urur diimi ah, isdiidimaayaan inay urur siyaasi ah yihiin oo diinta iyo siyaasadu isma diidaan, waxay siyaasiyiin noqon karaan oo ay xoriyadooda siyaasadeed gali karaan iyagga oo diintiina sita, fikir qaloocan ayay ahayd in wadaadka loo daayo Masjidka, wadaadku waxa uu u xaq u leeyahay inuu tallada dalkiisa ka qayb-gallo, markaa maaha niman dagaal ku jira (Islaax).” ayuu yidhi.
Hase yeeshee wuxuu ka war wareegay inuu xubin ka yahay xarakadaa, isagoo mar danbe si debecsan u sheegay inaanu xubin ka ahayn urur keliya, isla markaana wuxuu ku dooday in shirka ay Hargeysa ku qabsadeen kooxdaasi ahaa shir caadi ah oo la mid ah shirrarka inta badan guryaha lagu qabsado. sidaa darteed aanay wax dhib ahi ku jirin.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *