Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Saaray Golaha Xildhibaano Gudan Waayay ShaqadoodaHargeysa(ANN)Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta ka saaray golaha xildhibaano gudan waayay xubinimadii aqalkaa, kuwaas oo lagu eedeeyay in gudan waayeen shaqadoodii oo aanay ka xaadirin 20 Kal-fadhi oo isku xiga. sidaana lagaga saaray Golaha Wakiilada.

 

 

Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ka sheegay magacyada afarta  Xildhibaan ee xubinimadoodii waayay ka dib markii  sida uu dhigayo xeer hoosaadka aqalkaasi ay maqnaadeen labaatan kal-fadhi oo isku xiga.

Afartan Xildhibaan ee laga saaray golaha waxay magacyadoodu kala yihiin Xildhibaan Ikraan X. Daa’uud, Xildhibaan Axmed Maxamed Cali, Xildhibaan Mahdi Xaaji Xasan Sugaal iyo Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil.

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad  Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in iyadoo laga duulayo qodobka afar iyo tobnaad farqadiisa labaad ee xeerka doorashooyinka golaha wakiilada Xeer No 20/2005 waxaa Goluhu u gudbinayaa gudida Doorashooyinka qaranka si ay u soo buuxiyaan boosaskaa banaanaaday laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 29 September 2012.

Fadhiyada Golaha Wakiiladda ayaa inta badan kooram la’aan u baaqda, iyadoo aanay jirin wax tallaabo ah oo laga qaado Xildhibaanada aan ka xaadirin fadhiyada ee aan gudan  waajibaadkooda shaqo.

Waa markii u horeysay ee Golaha Wakiilada Somaliland ay tallaabo noocan oo kale ah qaadaan tan iyo markii la soo doortay dabayaaqadii sanadkii 2005, balse waxa jira xildhibaano sidan oo kale aan mudo dheer kasoo xaadirin fadhiyada golaha, balse aan lagu soo darin liiska xubnaha laga saaray golaha wakiilada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *