Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta soo saaray xeer Madaxweyne oo Wakaaladdaha  Laydhka Hargeysa iyo Berbera  lagu hoos geeyay Wasaaradda Hawlaha guud. sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay

 

madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u qornaa sidan:-  “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xeer madaxweyne oo uu soo saaray waxa uu ku dhaqan geliyay in Ha’yadaha Korontada ee Hargeysa iyo Berberi laga dhigay wakaalado hoos tagaya wasaaradda Hawlaha Guud.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul,kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay No. JSL/M/XERM/249-1336/092012 ku dhaqan geliyey In laga bilaabo taariikhda maanta oo ay bishu tahay 27/09/2012 laga dhigay Hay’addaha Korontada Berbera iyo Hargeysa Wakaalado hoostaga Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta.

Madaxweynuhu: Markuu arkay; Qodobka 90aad fagradiisa 3aad, xarafka (kh) ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay;In baahi weyn loo qabo dardargelinta, maamulka iyo hawlaha
horumarineed ee Hay’addaha Korontoda,

Markuu tixgeliyey;Talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan,

Markuu Tixgeliyey;Ahmiyadda weyn ee Hay’addaha korontadu ugu fadhiyaan
dhismaha Qaranka,

Wuxuu soo saaray Xeerkan In Hay’addaha korontada ee Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa la hoosgeeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta; xisaabta iyo dakhliga wakaaladdahaasina ay ku dhacayaan qasnadda dawladda Dhexe, kharashkuna u soo noqdo si waafaqsan nidaamka xisaabaadka dawladda dhexe.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *